Holland oo soo saartey Bas Cusub oo ah nooca raaxada ( Super Bus ) oo ku shaqaynaya Elekteri

Friday April 08, 2011 - 06:43:24
0 Comments
1141
Super Admin
Holland oo soo saartey Bas Cusub oo ah nooca raaxada ( Super Bus ) oo ku shaqaynaya Elekteri

Xiddig yaqaan u dhashay dalka Holland oo la yidhaahdo magaciisa Wubbo Ocktel ayaa hindisay Bas loo yaqaano Super Bus taas oo ay rumoowday riyaddii uu ku qarwi jiray in uu hindiso gaadiid u wanaagsan Bii'adda iyo dadwaynaha, sidoo kale Baskan waxaa ka qayb qaatay Jaamacada UT Delf oo ku maalgalisay hanti dhan €;350,000 oo Euro.

Codsi ka yimid Sheikh Mohamed Bin Rashid ayaa ka codsadey Xiddig yaqaan Mr Wubbo Ockels in Baskan la keeno shirka World Congres ee lagu qabnayo Dubai maalinta Axada ee bishu ay tahay 10ka Abriil 2011

Super Bus waxa uu xarumaha gaadiidka dadwaynaha ee Holland uu ka hawlgali doona shan sanndood ka dib waxaana uu ka dhex shaqayn doona , Gobollad Woqooyiga ,gaar ahaan inta u dhaxyasa , Drachten, Groningen, iyo Deegaanka Hoogeveen isla markaan waxa uu fanan doona jiddadka waaweyn ee halowda ah ( highway) waxaana laga yaaba in wadammo badan ay dalban doonaan.
Baskani waxa uu ku shaqynayaa Elekteri oo baytariga ayaa loo buuxinayaa sida wiishasha wax hinjiya oo kale ama wax kor wax u qaada Farsamamda iyo naqshada Baska qaybta farsmadda waxaa ka qayb qaatay Muhandisiin u dhashay dalka talyaaniga oo si ba'an' ugu talax tagey farsamada sare casriga, gaar ahaan Muhandisniinta u shaqeeya ee soo saara Baaburta baratanka ama orodka ee loo yaqaano formula1.

Faah-faahinta Baska
Irridaha laga galo Super Bus 16Albaab
Dhererka Baska Super Bus 15metre
Balaca Baska Super Bus 2.5metre
Jooga Baska Super Bus 1.65metre
Kuraasta Rakaabka Super Bus 23 kursi-30kursi
Xawaaraha Baska 150-250km
Culayska 800kg
Qiimaha Buska super Bus qiyaastii waa €;1milyan oo Euro

Warbaahinta Holand
M.Farah Aden ( Ghandi)

Related Items


Leave a comment