Kooxda Xulka Ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed ayaa u kicitimey dalka Talyaan

Friday April 15, 2011 - 00:25:34
0 Comments
1300
Super Admin
Kooxda Xulka Ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed ayaa u kicitimey dalka Talyaan
Waxaa saakey barqadii garoonka caalamiga magaalada London ka ambabaxay kooxda xulka Ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed ee dalka England, kuwaasoo ku wajahan dalka Talyaaniga gaarahaan magaalada Florance.
Wafdiga oo aad u balaarnaa ayaa waxay ka koobnaayeen ciyaartooy, macalimiin, odayaal, madaxda ururka qaar ka tirsan, wariyayaal, sawir qaade iyo taageeryaasha kooxda, kuwaasoo isla maanta gaarey magaalada Pissa oo waxyar u jirta halkii ay ku socdeen, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay madaxda jaaliyada Soomaalida degan dalka Talyaaniga iyo madaxda ururka mideynta qurbajoogta oo halkaasi gaarey todobaadkii la soo dhaafey.
Inta ay joogaan dalka Talyaaniga iyo magaalada Florance waxay kula kulamo saaxiibtinimo kula yeelan doonaan kooxo ka dhisan halkaasi oo isugu jira Soomaali iyo Ajanabi, waxaana la filayaa inay guulo ka soo hoyaan hadii Allah idmo.

Ururka Qurbajoogta mideynta Isboortiga Soomaaliyeed ay hogaamiyaan odayaal isboorti ah ayaa geed dheer iyo mid gaaban u fuuley sidii ay in jaaliyada Soomaalida degan dalka Ingiriiska ay booqasho saaxiibtinimo iyo mid walaaltinimo ugu tagi lahaayeen dalka Talyaaniga si labada jaaliyadood xiriirkooda loo dhisi lahaa, waxaa iyana magaalada London, iyo magaalooyin kale duwan lagu wadaa inay ka baxaan odayaal iyo dad si weyn ula dhacsan howsha ay wadaan mideynta isboortiga Soomaalida UK.

Todobaadka soo socda waxaa iyana halkaasi gaari doonaa barnaamijka faaqidaada cayaaraha iyo SSPAMEDIA si ay uga qayb galaan barnaamijka xiisaha badan ee ka bilaabmay caawa magaalada Florance xiritaanka oo lagu wado in lagu qabto asbuuca dambe hadii Allah idmo magaalada Florance.

Wixii ka soo kordha safarka kooxda iyo maamulka ururka Mideynta Isboortiga Qurbajoogta Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska kale soco barnaamijka faaqidaada cayaaraha Universal TV & shabakada turxaan bixinta isboortiga dalka iyo dibada ee SSPAMEDIA,Iyo walibaBurtinletimes.com oo ayadu ah hooyadii Sportiga Markii la fiirsho dhalinta kutaxan.

Xoghayaha ururka mudane Khaliifaani binu Maxamed ayaa u sheegay barnaamijka faaqidaada cayaaraha ee Universal TV inuu aad ugu faraxsan yahey safarka talyaaniga islamarkaana uu rajeynaayo inay guul ku soo dhamaato hadii Eebe idmo, waxaa sidoo kale ka mid ah wafdiga madaalaha isboortiga soo gudbinta cameraman Mudane Shirwac


Related Items


Leave a comment