Golaha Baarlamaanka oo sharci daro ku tilmaamay Go aankii ay gaareen Golaha Xukuumada;

Monday April 25, 2011 - 14:24:51
0 Comments
935
Super Admin
In badan oo kamid ah Baarlamaanka DFKMG ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aankii kasoo baxay Xukuumada DFKMG oo shalay shaacisay in dib loo dhigi doono Doorashadii Madaxweynaha iyo tan Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Qaar kamid ah Xildhinaada ku sugan magaalada Muqdisho oo saxaafada la hadlay ayaa ku tilmaamay sharci daro iyo la yaab tahayin Xukuumada ku dhawaaqdo in doorashada dib loo dhigay, ayagoo sheegay in aysan xukuumada awood u lahayn dib u dhigista Doorashada.

Xildhibaan Cabdalle Jibriil oo u hadlay Xildhibaanada ayaa sheegay in Dowlada Federaalka KMG ay tahay mid hoos timaada Baarlamaanka, ayadoo Baarlamaankana horey ugu codeeyey in Doorashada dhacdo sanadkan.

Xildhibaan Cabdalle Jibriil oo kamid ah kuwa sida weyn uga soo horjeeda go’aanka kasoo baxay Xukuumada ayaa ku eedeeyey in ololaha lagu diidayoDoorashada in ay faraha kula jirto Dowlada Jabuuti iyo Madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar Geele, wuxuuna sheegay inay ku taageerayaan Madaxweynaha Shiikh Shariif Axmed go’aankiisa shaqsiyan uu gaaray in xiligan aan la qaban doorasho

Wuxuu Xildhibaanka sheegay mar uu saaka wareysi siinayey idaacada BBC-da, in Madaxweyne Shiikh Shariif uu hada doonayo inuu booqdo dalka Jabuuti oo looga wado abaabul lagu taageerayo.

Hadalada kulul ee kasoo baxaya dhanka Baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya xili uu heerkii ugu xumaa marayo murranka siyaasadeed ee u dhaxeeya mas’uuliyiinta DFKMG.

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in ay khalad tahay in Xukuumada go’aan iska gaarto ayadoo Baarlamaanka ansixin, waxayna qaarkood sheegeen in doorashada ay dhici doonto xiligii loogu talo galay oo ku began kahor bisha Agoosto ee sanadkan.

Qoraal shalay kasoo baxayXafiiska xukuumada ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in doorashadii Madaxweynaha iyo tan Guddoomiyaha Baarlamaanka ay dhici doonto Agoosto sanadka danbe ee 2012.

Go’aankan ay xukuumada qaadatay ayaa daba socda, codsi horey xukuumada uga soo baxay oo lagu dalbanayey in muddo hal sano ah loogu daro xukuumada iyo golayaasha DFKMG, balse dalabkaasi ayuusan ansixin Baarlamaanka DFKMG.

Xukuumada ayaa hada u muuqata inay qaadatay go’aankan kadib markii ay wax jawaab ama ansixin ah ka weyday Baarlamaanka DFKMG, arrintan oo ay xubno kamid ah Golaha Wakiilada ee DFKMG ku tilmaameen tilaabo siyaasadeed oo kali taslinimo ah.

Waxaa ayaduna meesha ka baxday wadahadalkii u socday mas’uuliyiinta DFKMG oo ayagu hada u muuqda inay xooga saarayaan sidii midba midka kale uga careysiin lahaa, ayadoo aysan jirin wadahadal toos ah oo dhexmaraya hogaanka sare ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha &Xukuumada.

Wixii war ah oo ka soo kordha kala Xariir Isha wararka

www.burtinletimes.com

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment