Faroole oo booqday Bosaso, baaqna u diray baarlamaanka Soomaaliya

Saturday April 30, 2011 - 08:58:56
0 Comments
1242
Super Admin
Madaxweynaha Puntland oo maanta booqday magaalada Bosaso ayaa ugu baaqay baarlamaanka dalka Soomaaliya in aysan la sugin qabashada doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya bisha Augost .

Mr.Faroole ayaa ku booriyay xildibaanada in qabashada doorashada soo dadajiyaan si is jiid-jiidka looga gudbo.

Madaxweynuhu waxa uu tibaaxay in baarlamaanka uusan eegin is jiid-jiidka siyaasadeed ee hogaanka dalka u dhaxeeya oo ay eegaan danta shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale arimaha amaan darrida Puntland ku soo kordhaysa ayuu ka hadlay, waxa uuna shegay in ay wadaan qorshayaal amaanka lagu sugayo.

Dadka qul qulatooyinkaas amaan darro wadda ayuu tilmaamay in ay yihiin dad ka soo hor jeeda xasiloonida Puntland,

Asagoo ugu baaqay shacab reer puntland in ay ka shaqeeyan nabagalyada

iyo xasiloonida.

wwww.Burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment