Shiikh:Shongole oo beeniyay in uu ku dhintay dagaaladii Garbahaareey

Wednesday May 04, 2011 - 18:01:22
0 Comments
1056
Super Admin
Shongole oo beeniyay in uu ku dhintay dagaaladii Garbahaareey

Sheekh Fu'aad Shoongale oo ka mid ah saraakiisha sare ee Xarakada Al Shabaab oo maanta si toos ah warbaahinta kula hadalay Muqdisho ayaa been abuur ku tilmaamay hadal ka soo baxay Dowladda KMG oo ahaa in Fu'aad Shoongale ay dileen.

Shirka Jaraa'id oo wariyayaasha uu Fu'aad Shoongale si toos ah gudaha magaalada Muqdisho ugu qabtay ayaa waxa uu ku sheegay in dad ay filayeen in aan Dowladda ay i dishay , waxa uuna sheegay in uu haatan nool yahay islamarkaana uu hortaagan yahay wariyayaasha, waxa uuna sheegay in tiisa ay wax ka dhimantahay.

"Waxaan filayaa in ALaah wali Ajasheeyda usaan dhameeyn oo aan aduunka wax ka cunayo kana cabayo, Labadaan maalmood waxa la haayey sheekh waan dilnay soomaha oo ruuxdiisa ayaan heeynaa, warkaasi soo been maaha oo waad i aragtaan hada"ayuu yiri Fu'aad Shoongale.

Fu'aad Shoongale oo ka mid ah Madaxada Sare ee Al Shabaab kuna jira liiska Mareeykanka uu doon doonayo ayaa sheegay in uu fariin u dirayo Dowladda Mareeykanka, Dowladda KMG iyo Ahlu Sunna sidoo kale waxa uu fariin u diray dadka muumuniinta ah sida uu hadalka u dhigay.

"waxaan ugu bishaareeynayaa muuminiinta in aan noolahay , waxaana ka nixinayaa sacaadaan Gaalada mareeykanka uu ugu horeeyo, waaan ka nixinayaa Mushrikiinta Qaburaaha caabuda, waxaan ka nixinayaa inta Murtidiinta ah ha ogaadeen in aan noolahay.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda KMG ee Gobolka Gedo ayaa sheegay maalin ka hor in Fu'aad Shoongale iyo Saraakiil kale oo Ajanib Shabaab ka tirsan ay ku dileen dagaalkii ka dhacay Garbahareey iyagoona sheegay in hayaan meydka Fu'aad Shoongale oo maanta Wariyayaasha Muqdisho si toos ah ula kulmay.

Wixii war ah kala xariir Isha wararka

www.Burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment