Dowlada soomaaliya Oo War ka soosaartey dagaaladii maalmihii u danbeyey Ka socdey Qeybo kamida Dalka.

Monday September 12, 2022 - 08:15:55
0 Comments
362
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Warka ay soo saartey dowladu waxa ay ku sheegtey deegaano ay shabaab kala wareegeen.
Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa soo saartey War ay ku cadeyneyso tiro 20 deegaan oo ay Ciidamada dowlada iyo kuwa macawisleydu kala warieegeen Ururka Alshabaab Maalmihii la soo dhaafey, deegaanadaan ayaa hoostaga Sadex gobol oo koonfurta iyo bartamaha soomaaliya ah, sidookale warbixinta ayaa lagu darey dilka in kabadan 100 dagaalyahanada Alshabaab.

"Ciidamada Qaranka iyo Dadka Deegaanka, oo is kaashanaya ayaa kooxda argagixisada ah ee alshabaab ka xoreeyay in ka badan 20 deegaan oo ku kala yaalla, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur-Galbeed , laguna dilay in ka badan 100 maleeshiyo iyo horjoogayaal ka tirsan argagixisada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

Qoraalka Warbixinta ayaa la sii raaciyey in howlgallo bilow u ah fulinta aragtida dowladda Soomaaliya ee ku aadan in kooxda Al-Shabaab laga saaro dalka, ay ka socdaan meelo badan oo dalka ka mid ah.

"Kacdoonka dadweyne ee kaashanaya dowladda ee deegaanadaas looga xoreeyay al-Shabab, ayaa ka dhashay markii ay dadweynuhu u dulqaadan waayeen tacadiyada joogtada ah ee dilka iyo xadgudubyada kale ee ay ku hayeen kooxaha argagixisadu bulshada rayidka ah ee deegaanadaas, iyagoo deegaanadaas ka soo abaabulayay weerarada qaraxyada iyo kuwa naf-haligga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Deegaanada dowladu sheegtey in la wareegtey ee ku xusan bayaanka ayaa kala ah:

Gobolka Hiiraan: Beer-gadiid, Bacda, Teedaan, Goobo, Baardheere, Tiroshanle iyo Coomaad.

Galguduud: Cadakibir, Maarsagame, Dhuumoodle iyo Cali-Waliid.

Koonfur Galbeed: Madabuun, Ceel-la-helay, Makiini, Hibaaq-daranle, Iskire, Qanyareey, Boorami, Baaqay iyo Kaayoow.

Dawladda ayaa bayaankaan ku bogaadisay Ciidamada dowlada soomaaliya iyo dadka is abaabuley "Hawlagaladdu, waa sii soconayaan,  si joogto ah ayaanan dadka Soomaaliyeed ugu soo gudbin doonnaa hadba halka ay xaaladdu marayso".

Related Items


Leave a comment