War murtiyeed ka soo baxay Shrkii Gola''ha Amaanka ee New york

Thursday May 12, 2011 - 13:59:59
0 Comments
912
Super Admin
Golaha Amaanka oo canaan kulul dusha u saarey madaxda DFKMG ah Somalia

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulankoodii ay ku yeesheen xaruntooda magaalada New York waxay kaga hadleen xaalada Soomaaliya, iyagoo ka soo saarey go’aamo iyo talooyin ku jihaysan is qabqabsiga & khilaafaadka madaxda DFKMG ah ee Soomaaliya.

Kulankan oo ay ka qayb galeen Ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo & ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Ausgtine Mahiga ayaa si kulul waxaa loogu sheegay madaxda Soomaalida inay la yimaadaan xal ku aadan khilaafkooda isla markaana ay isku raacaan nidaam maamul oo cusub marka la gaaro dhamaadka dawlada hada jirta oo ku eg bisha August.Fadhiga Golaha Amaanka oo ay goob joog ka ahaayeen 15-ka xubnood ee golaha ayaa waxaa laga soo saarey bayaan ay ku sheegayaan inay si adag ugu cambaareynayaan mudo kordhinta xukuumada & Baarlamanku sameysteen ee Baarlamanku uu ku kororsaday sadexda sano halka xukuumaduna ku kororsatey mudo sanad ah.

Bayaan ay soo saareen xubnaha golaha Amaanka waxay sheegeen in looga fadhiyo madaxda hay’adaha dawlada KMG ah ee Soomaaliya inay la yimaadaan qorshe cad oo la xiriira ka gudbida khilaafkooda siyaasadeed isla markaana ay xiliga loogu tala galay doorashooyinka ay qabsoomaan, iyadoo la dooranayo madaxweynaha & Gudoomiyaha Baarlamanka hor xiliga ay dhacayso jiritaanka dawlada oo ku eg 20-ka bisha August.

“Golaha Amaanku wuxuu mar kale ku celinayaa sida qotoda dheer ee ay uga walaacsan yihiin sii socoshada deganaansho la’aanka ka taagan Soomaaliya, taasi oo wadanka u horseeday wadar khasaaro oo is wadata” ayaa lagu yiri bayaanka 15-ka xubnood ee golaha amaanku ay soo saareen.

“Talaabada Baarlamanku uu ku kororsadey xilka ee sadexda sano ah & tii xigtey ee xukuumadu ku kororsarey halka sano ah ayaa ah kuwa sare u qaadaya xaalada cakiran ee Soomaaliya” ayuu ku yiri golaha Amaanka ergeyda gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo la hadlayey xubnaha golaha Amaanka.Waxaa jira jahwareer laga qabo hay’adaha Federaalka, waxaa jira walaac ay qabaan dadka caadiga ah ee Soomaalieed iyagoo ka qaba siyaasada liidata ee Muqdisho” ayuuu yiri Mahiga.

Mahiga waxaa kale oo uu sheegay inaanay jirin siyaasad cad oo muuqata oo ay leeyihiin Baarlamanka & xukuumada oo la xiriirta ka gudbida khilaafka.Ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo hadal u jeediyey xubnaha golaha Amaanka wuxuu si adag u difaacay talaabada xukuumadiisu ku kororsatey 12-ka bilood waxaana uu saldhig uga dhigay xaalada amaanka & horumarka ku saleysan sugida amaanka ee ay wado Dawladiisa, isagoo sheegay in taasi ay horseed u noqonayso in la helo doorasho cadaalad ku qotonta.

Ra’isalwasaaruhu wuxuu farta ku fiiqay inaanay aheyn mid sharci ah talaabada Baarlamanku ku kororsadey sadexda sano waxaana uu sheegay in go’aankaasi uusan dastuuri aheyn.

Ra’isalwasaare Farmaajo wuxuu ugu baaqay golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in fursad la siiyo dawladisa si ay ku xalin karto mushkiladaha siyaasadeed ee ka jira dalka iyo in Qaramada Midoobay ay gacan ka gaysato xalinta qilaafaadka Siyaasadeed oo u dhaxeeya Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa dowladda KMG ah

Wixii war ah oo danbe kala xariir Isha wararka

www.burtinletimes.com

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment