Attam oo ku dhawaaqay in uu wali ku sugan yahay Deegaan ka GalGala;

Thursday May 12, 2011 - 14:18:00
0 Comments
963
Super Admin
Dagaalkii Galgala oo guulo laga kala sheegtay
Xaaladda deganaansho oo aan cago wanaagsan ku taaganayn ayaa saakay laga daremaayaa deegaanka Galgala, iyadoo dhinacyadii shalay halkaasi ku dagaalamay ay guulo ka kala sheegteen dagaalkaasi.

Wararka saakay ka imaanaya deegaanka Buuralayda ee Galgala ayaa waxaa ay sheegayaan inay dagantahay xaaladeeda kadib markii shalay ay ku dagaalameen Ciidamada Maamul goboleedka Puntland iyo Ciidamo uu hoggaaminayo Max’ed Saciid Atam, waxaana dagaaladaasi guulo ka kal sheegtay dhinacyadii ku dagaalamay deegankaasi.

Wasiirka amniga ee Maamulka Puntland Yuusuf Axmed Qeyr oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkaasi qasaaro xooggan ay gaarsiiyeen Cidamada Max’ed Saciid Ata oo uu tilmaamay in markii ay horey ay weerar kusoo qaadeen hase ahaatee hal gaari uu dhankooda uu ka gubtay, isagoo ku eedeeyay ciidamii weerarka ku qaaday inay ahaayeen kuwa ka tirsabn AL Shabaab.

Max’ed Saciid Atam oo Madaxda u ah Ciidamadii dagaalka la galay Ciidamada Maamulka Puntland oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu dhankiisa sheegay in dagaalkaasi ay guulo ka gaareen islamarkaana qasaaro xooggan ay gaarsiiyeen Ciidamadii ay dagaalka ku qaadeen sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Galgala ee duleedka gobolka Bari ayaa waxaa uu inta la’ogyahay ku geeriyooday 20-ruux oo ah dhinacyadii dagalamayay inkastoo dagaalkaasi uu sababay barkac ay sameyeen dadkii ku suganaa deeganaka lagu dagaalamay.

Wixii war ah oo danbe kal xariir Isha wararka

www.Burtinletimes.com

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment