Ciidamada Nabad Sugida Oo Gacanta ku dhigay Gadiid u rarnaa goobaha Ay sugan yihiih Al shabaab

Thursday December 28, 2023 - 12:34:07
0 Comments
67
ahmed raajaa
MUQDISHO
Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa gacanta ku dhigay saddex gaadiid ah oo ay ku raranyihiin Alaabo electronics u badan iyo dadkii watay kuwaas oo ku sii jeeday deegaanada goobaha ay gabaadka ka dhigtaan Khawaarijta.

Gaadiidkaan ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose waxaana sidoo kale ay gacanta ku dhigeen ciidanka 8-Ruux oo uu ku jiro Muwaadin u dhashay dalka Uganda oo qayb ka ahaa dadkii gaadiidka la socday.

Ciidanka Sirdoonka ay gacanta ku dhigay ayaa ku sii jeeday deegaanada ay Khawaarijta ku sugan yihiin waxaana lagu tuhunsan yahay in qalabka ay u wadeen cadowga si loogu adeegsado gumaadka Shacabka Soomaaliyeed.

Related Items


Leave a comment