Ciyaaryahano Soomaaliyeed oo ka qayb gala tartanka 13-(Sawiro)

Sunday May 22, 2011 - 17:30:57
0 Comments
1115
Super Admin
naad ee Nijmegen Global Athletics oo lagu qabanaayo magaalada Nijmegen dalka Holland‏
naad ee Nijmegen Global Athletics oo lagu qabanaayo magaalada Nijmegen dalka Holland‏
naad ee Nijmegen Global Athletics oo lagu qabanaayo magaalada Nijmegen dalka Holland–

Ciyaaryahano Soomaaliyeed oo ka qayb gala tartanka 13-naad ee Nijmegen Global Athletics oo lagu qabanaayo magaalada Nijmegen dalka Holland

Waxaan codsi u jeedinayaa dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan magaalada Nijmegen inay ka qayb galaan,islamarkaana taageero weyn u muujiyaan ciyaaryahano Soomaaliyeed oo ka qayb qaadanaya tartanka 13-naad ee Nijmegen Global Athletics oo lagu qabanaayo magaalada Nijmegen gobalka Gelderland ee dalka Holland,galabnimada Arbacada taariikhduna tahey 25 MAY 2011, saacaduna tahey 13:00 pm hadii Allah idmo.

Tartankaasi qiimaha badan waxaa sanadkaan ka qayb galaya ciyaaryahano Soomaali ah balse degan dalalka Holland iyo Belgium, kuwasoo kaalin fiican kaga jira ciyaaraha fudud ee dalalkaas, hadana waxay tababar u joogaan dalka Kenya, si ay uga guulo uga soo hoyaan tartanka NGA.

Ciyaaryahanadaasna waxaa la kale yiraahdaa :

· Cabdi Nageeye wuxuu ordaa 5000M, wuxuuna degan yahay magaalada Cuijk, islamarkaana wuxuu ka tirsan yahay Nijmegen Athletic Club, wuxuu u ordaa dalka Holland, mustaqabal wanaagsana wuu leeyahay.

· Maxamed Cali wuxuu ordaa 5000M, wuxuuna degan yahay magaalada Laren, islamarkaana wuxuu ka tirsan yahey Nijmegen Athletics Club, Maxamed waa wiil mustaqbal ku leh ciyaaraha,mar dhaw ayuuna Soomaaliya ka yimid wuuna u ordi karaa Soomaaliya inta uusan dhalashada dalkaan qaadan.

· Bashiir Cabdi wuxuu ordaa 5000M, wuxuu degan yahay magaalada Gent dalka Belguim, wuxuuna haystaa dhalashada dalka Belgie islamarkaana uu ka tirsan yahay ciyaaryahanada ay ku dhaartaan mustaqbal wanaagsana wuu ka leeyahay ciyaaraha fudud.

Mar aan kula sheekeystey qadka isgaarsiinta iyagoo tababarku qaadanaya dalka Kenya, waxay iisheegeen inay aad ugu diyaargaroobeen tartamada soo socda ee ka furmaya dalalka Holland , Belguim iyo Yurubta kale bilasha soo socda islamarkaana ay ku rajo weyn yihiin inay guulo ka keenaan tartamadaas oo dhan hadii Allah idmo.

Waxayna dib ugu soo labanayaan dalka Kenya berito insha Allah, islamarkaana waxay ka qayb gali doonaan tartanka qiimaha badan ee lagu wado inuu ka dhaco garoonka cayaaraha fudud ee ku yaal Athletiekbaan Brakkenstein, cinwaanka waa Heemraadstraat 3 ee magaalada Njmegen, hadii aan ku sii tilmaamo waxaa uu ka dambeeyo Jaamacadda Nijmegen.

Waxaan rajeynayaa marka aad aqristaan qormadaan inaad tagi doontaan garoonka si aad taageero weyn ugu muujisaan wiilashaan Soomaaliyeed, kuwaasoo ciyaaryahano caan ku ah oradada dhaadheer kale qayb gali doono tartanka Nijmegen Global Athletics.

Magaalada Nijmegen oo deganaan jirey mudo dheer iyo magaalooyin ku degan oo aan ogahay inay degan yihiin Soomaali badan, waxaa muhiim ah inaad xooga saartaan inaad tagtaan garoonka maalintaas, si aad u dhiirigalisaan wiilashaan Soomaaliyeed .

Waxaan u rajeynayaa ciyaaryahanada kale ah Cabdi,Maxamed iyo Bashiir inay guulo wax ku ool ka keenaan tartankaan qiimaha badan hadii Allah idmo.

Garoonka galitaanka waa lacag la’aan oo waa bilaash, Gratis hadaba ha moogaanin waqtigana ilaaliya. 13.30pm way ordi doonaan.

W/D:Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London.

Related Items


Leave a comment