Wasaarada Dhalinyarada & Isboortiga oo Magacawday Guddi Baaritaan ku sameeya Olompikada Soomaaliyeed (G.O.S).–

Thursday June 02, 2011 - 02:55:29
0 Comments
1855
Super Admin
Wasaarada Dhalinyarada & Isboortiga oo Magacawday Guddi Baaritaan ku sameeya Olompikada Soomaaliyeed (G.O.S).
Xukuumada KMG ee Soomaaliya ayaa Baaritaan ku soo rogtay Guddiga Olompikada Soomaaliyeed ee GOS, sida aynu ka helnay Ilo lagu Kalsoon yahay oo ka tirsan Madaxda GOS, taasi oo la xariira sidii loo baari lahaa Dhaqaalaha (Qarashaadka) loogu talagalay isboortiga Soomaaliyeed iyo sida ay u maareeyaan GOS.
Xafiiska GOS ee Muqdisho ayaa la gaarsiiyay wareegto ka soo baxday Wasaarada Dhalinyarada Sportiga Shaqada iyo Shaqaalaha Dowlada KMG, taasi oo lagu war gelinaayo in Wasaarada ay magacawday Guddi Baaritaan ku sameenaya Dhaqaalaha loogu talagalay Hormarinta Isboortiga soomaaliyeed iyo sida ay u maareeyaan GOS.
Talaabadaan ayaa ka danbeesay ka dib markii Dhawaan Saxaafada Gudaha iyo kuwa Dibada si toos ah u soo bandhigeen, Ducumentiyo ay ku qoran yihiin Qarash gaaraya illaa iyo 350,000$ oo ay GOS 2007-2008-2009 u istecmaashay qaab ka baxsan sidii loogu tala galay.
Dhaqaalaha labadii sano ugu danbeesay marka loo geeyo kuwii hore ayaa gaareesa illaa iyo 50.000$ taasoo aan muuqan wax cad oo lagu qabtay, iyadoona fadeexooyinkaasi ka dib ay dhacday in ay istiqaalooyinka dhiibaan xubno ka tirsanaa hey'adaha Isboortiga.
Halkaan ka Dawwo documentigii hore.
Sidoo kale warar aan ka helney Wasaarada Dhalinyarada Isboortiga Shaqada iyo Shaqaalaha Dowlada KMG ayaa xaqiijiyay in Dhowr jeer ay codsi u direen Madaxda GOS, sidii ay u ogaan lahaayeen dhaqaalaha loogu tala galay magaca Isboortiga soomaaliyeed iyo sida ay u maamulaan ka dib markii ay dacwooyin badan kaga soo gaareen qaar ka mid ah xiriirada hoos yimaada GOS balse taasi ay ka madax adeegeen GOS una sheegatay wasaarada in ay ka madax banaan tahay Dowlada KMG, isla markaana si cad ugu hor timid wada shaqeyn dhex marta Dowlada iyo dhankooda.
Wargeys ka mid ah kuwa Caalamka ugu afka dheer ee ka faalooda Arrimaha Isboortiga ayaa dhawaan warbixin lagu daabacay, farta lagu goday in Musuq maasuq Isboorti kii ugu xooganaa uu ka jiro Dalka Soomaaliya, iyadoona Talaabadaan ay u muuqato mid daba socota Fadeexooyinka Muddooyinkaan isa soo taraayay ee la xariirta lunsashada Hantida Qaranka Soomaaliyeed.
Ma aha Markii ugu horeesay oo baaritaan nuucaan oo kale ah lagu soo Roggo Guddiga Olompikada Soomaaliyeed ee GOS, iyadoona Bilawgii Dowladii C/llaahi Yuusuf Axmed Baaritaan nuucaan oo kale ah lagu soo rogay GOS, balse durbadiiba ay GOS ka shaqeesay sidii Dowlada Xilligaa jirtay is badal ugu sameen laheyd Madaxdi Wasaaradaasi.
Dastuurka u dagsan Qaranka Soomaaliya ayaa waxuu sheegayaa in ay GOS ka mid tahey gudiyada heer qaran isla markaana la bedeli karo, balse mar waliba isku dayaan in aan la bedelin iyagoo ka faaideysanaya bur burka Dowladnimo ee wali ka taagan dalka soomaaliya isla markaana sameestay Dastuur iyagu u gaar ah.
Inkastoo Wasaarada Dhalanyarada Sportiga Shaqada iyo Shaqaalaha, Dar Dar xoogan ku heyso sidii ay u hor marin laheyd Isboortiga, isla markaana wax ugu qaban laheyd cabashooyinka xoogan ee soo gaaraya taana ay si weyn u soo dhaweenayaan Bahweynta Isboortiga Qeybahooda kala gedisan ayaan hadana la ogeyn sida ay ku sii socon karto maadaama Xukuumada Haatan jirta ay u harsan tahay 3-bilood oo kaliya.
Salah Hassan Omer "Salah Dheere".
s.dheere@hotmail.com

Related Items


Leave a comment