Deg-Deg: Farmaajo oo lagu wado inuu xilka iska casilo + Xog Sir ah

Thursday June 09, 2011 - 01:47:18
0 Comments
1130
Super Admin
Farmaajo oo lagu wado inuu xilka iska casilo
Kampala:- Warar goor dhow aynu ka helnay kulamo gaar gaar ah oo ka socda magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda oo lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, islamarkaana xalay loogu wacay ra’iisal wasaare Farmaajo ayaa la waxaa la sheegayaa in Farmaajo uu go’aansaday inuu iska casilo xilka ra’iisal wasaarannimo ee dowladda Soomaaliya.

Dibmulaasiyiin shirkaas ka qeyb galeysa codsaday in la sheego magacooda ayaa xafiiskaBurtinletimes magaalada Nairobi u sheegeen in Farmaajo uu shuruud ku xiray xal ka gaaridda khilaafaadka madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, kaasoo ah haddii aysan heshiinin uu xilka isaga degayo waa sida ay hadalka u dhigeene.

“Hadduu gor gortan uu ku jiro Shariif Xasan oo ah in xildhibaano isaga taageersan lagu soo daro golaha wasiiradda, aniga ayaa xilka ka tagaya, booskeygana la imaada ra’iisal wasaara cusub” sidaasi waxaa shirka ka yiri ra’iisal wasaare Farmaajo waa sida ay diblumaasiyiintaas inoo xaqiijiyeen.

Illaa iyo iminka madaxa ayay iskula jiraan madaxda dowladda KMG ah ee ku sugan magaalada Kampala ee xarunta wadanka Uganda, waxaana la filayaa saacadaha soo socda in arrintaasi hal meel isku soo biyo shubato ama lagu kala dareero.

burtinletimes@hotmail.com

Related Items


Leave a comment