Ciidanka Boliska Kenya Oo Xiray Labo Qof Oo Mid Soomalia Yahay.

Saturday June 18, 2011 - 12:34:58
0 Comments
931
Super Admin
Nairobi: Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeen labo nin oo mid soomaali yahay mid ka Kalena uu sitay dhalasho maraykan ah xili ay ka dhoofayan Garoonka diyarahda magalada Mombasa kuna sii jeedeen Dalka Soomaalia.
Boliska kenya ayaa shegay in Labadani qof ay xirir la lahayeen ururka Alshabab oo ka dagaalama Soomalia iyago sidoo Kale shegeen in Ragasi ay doonayen in ay qaraxyo ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

Njiru Mwanik oo ah ku xigeenka kowaad ee madaxa la dagaalka Argagaxisoda Ciidanka Boliska Kenya ayaa shegay in Ragani ay hadan ku jiraan xabsiga ku yaal magalada Mombasa goor dhowna ay maxkamad hor keeni doonaan isagoo Sheegay in dalka Soomaalia ay ugu socdeen qaab Ganacsi balse ay ka shakiyeen ciidanka Amanka ee garoonka Diyaarahada magaalada Mombassa sidaasina ay xabsiga loogu taxaabay.

Tan iyo hanjabadii Alshabab ee dalka kenya ayaa ciidanka Amaanka dalka Kenya waxa ay ku jiraan feejignan aad u sareysa iyago goobha laga raaco darenada iyo dhismayasha dowlada aad amankoda lo adkeyay iyago ka cabsi qaba in Ay qaraxyo fuliyan ururka Alshaab oo marar badan jabaad u geystay dowlada kenya.



Burtinletimes Nairobi Kenya

Burtinletimes@hotmail.com

Related Items


Leave a comment