C/wali Max’ed Cali oo loo magacaabay Ra’iisul wasaaraha Somaliya

Thursday June 23, 2011 - 15:47:50
0 Comments
970
Super Admin
C/wali Max’ed Cali oo loo magacaabay Ra’iisul wasaaraha Somaliya
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa goordhow si rasmi ah ugu magacaabao Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi wali Max’ed Cali oo maalmihii u dambeeyay ahaa siihayaha ninkii sii hayay xilkaasi.

Xaflad balaaran oo haatan si toos ah uga socota xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya waxa uu halkaasi uga dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya in uu yahay C/wali Max’ed Cali oo ka mid ahaa wasiiradii xukuumadii Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

Goobta lagu magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa ku sugan xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya iyo xubno ka mid ahaa golihii wasiirada Max’ed Cabdulaahi Farmaajo.

Maalmihii u dambeeyay ayaa si aad ah waxaa loo hadal haayay in C/wali loo magacaabi doono Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana la tashiyo kadib madaxweynaha dowladda KMG uu si toos ah haatan ugu dhawaaqay C/wali Max’ed Cali in uu yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wixii war ah oo danbe kala xariir

burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment