Barlamaanka Soomalia Oo Asixiyay Raysal Wasaaraha Cusub.

Tuesday June 28, 2011 - 14:27:08
0 Comments
1055
Super Admin
Muqdisho: Barlamaanka dowlada KMG ah ee soomaalia ayaa manta Asixiyay Raysal wasaraha Cusub ee dowlada Soomaalia Mr C/wali Maxamed Cali Gaas.
Barlamaanka ayaa saakay kulan ku yeeshay xarunta goloha shacabka o fadhigoodu yahay ayaa cod aqlabiyad ah ku Ansixiyay iyadoo fadhigasi ay kasoo qeyb galeen 433 xildhibaan oo xaadir u ahaa mel marinta Raysal wasaraha cusub Sidoo kale waxa goobta joogay madaxweyne shariif shiik axmed.

Waxana shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlda KMG ah Shariif Xassan shiikh adan o xildhibnada ugu Horeyn ku war geliyay in ujeedka Kulanka uu yahay ansaxinta Raysal wasaraha iyadoo codkuna loo qaday Qaab gacan Taag ah.

437 xildhibaan ayaa codka kalsoonida ah siiyay Raysal wasaaraha cusub halka 4 xildhibaan ayaa diiday 2 Xildhibana waa Ka aamustay intaas kadib ayaa Gudoonka Baarlamanka soomalia ku dhawaaqay in u ansax yahay Raysal wasaaraha Cusub isagoo ka codsaday in 30 maalmood gudahood uu ku soo dhiso Xukuumad cusub.

Xildhibanada baarlamkanka oo looga bartay is qab qabsi iyo kala mowqif kala duwanan ayaa saakay u muuqday kuwa isku rayi ah codkii ugu badnaana siiyay Raylsal wasaaraha cusub iyodoo hadan Dr C/wali Maxamed Cali Gaas laga Sugayo xukuumad cusub oo wax ka bedesha marxada xaalada uu marayo.

Burtinletimes Muqdisho

Burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment