Gaas Oo Magacaabay Gudiga Gurmadka Abaaraha

Sunday July 03, 2011 - 23:13:05
0 Comments
960
Super Admin
Jamhuuriyadda Soomaaliya Xukuumadda Federaaliga KMG ee Soomaaliya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ref: XRW/War-Saxaafadeed 007/07/11 Date: 3 July 2011 Date: 1.2.011 Shir Jaraa’id Muqdisho, Axad, 3 July 2001 Xubnaha Golaha Wasiirada, Xildhibaanada Sharafta leh, Bahda Saxaafadda,
A Salaamu Aleykum Warahmatullahi Wabarakaat,

Shirkeena jar’aaid ee maanta waxa uu ku saabsanyahay magacaabid Guddiga Qaranka ee Gurmadka Abaaraha iyo Barakaca. 30kii Juun 2011 Golaha Wasiiradu waxey ka doodeen arrimaha Abaaraha iyo barakacayaasha oo aan ku go’aaminay in la dhiso guddi heer Qaran ah.

Guddiga Qaranka ee Gurmadka Abaaraha iyo Barakaca ayaa kala ah:

1. Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga;

2. Wasiirka Wasaarada Caafimaadka;

3. Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska;

4. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha;

5. Wasiirka Wasaarada Maaliyadda;

6. Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska;

7. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta.

Sidaas daraadeed, waxaa la farayaa guddigan inay si deg-deg ah u howlgalaan oo ay daraasad dhab ah ku soo sameeyaan xaaladda dhabta ah, caqabadaha jira iyo sida gurmad deg-deg ah loola soo gaari lahaa shacabka soomaaliyeed ee dhibaateysan. Dhammaan hay’adaha gar-gaarka waxaan ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan guddigan.

Beesha caalamka waxaan ugu baaqayaa inay gar-gaar deg-deg ah la soo gaaraan shacabka soomaaliyeed. Xaaladda uu maanta dalku marayo waa heerkii ugu sarreysey oo shacabka soomaaliyeed ay isagu darsameen dagaalo joogta ah, gaajo, macluul, argagaxiso, burcad badeed iyo barakac baahsan. Xilligii roobka lama helin roobab ku filan, haddana lama filayo roobab ilaa iyo bisha September. Sidaas daraadeed, waxaa muuqata in abaarahu ay ka sii darayaan, loona baahan yahay gurmad deg-deg ah, si loo badbaadiyo shacabka soomaaliyeed. Wararka na soo gaaraya waxey sheegayaan inay dad badan oo u badan caruur ay u geeriyoodeen gaajo iyo gar-gaar la’aan.

Waxaan halkan uga mahadcelinayaa dowladaha aan saaxiibka nahay oo marwalba gar-gaarka bani’aadanimo soo gaarsiiya shacabka soomaaliyeed. Waxaan mahad gaar ah u soo jeedinayaa waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo dhowr jeer soo gaarsiiyey shacabka soomaaliyeed mucaawano iyo dowladda Mareykanka (US) oo 1dii bisha ku wareejisey 19,000 (Metric tons) oo raashin mucaawano ah hay’adda WFP.

Ha yeeshee, baahida jirta ayaa ah mid aad u mug weyn, una baahan in 3da bilood ee soo socda si joogta ah loo soo gaarsiiyo shacabka soomaaliyeed mucaawano isagu jirta raashin, teendhooyin, daawooyin, biyo nadiif ah iyo dhammaan waxii saacidi lahaa shacabka soomaliyeed.

Ugu danbeyntii, waxaan ugu baaqayaa kooxaha ka soo horjeeda dowladda inay shacabka soomaaliyeed u oggolaadan in la gaarsiiyo mucaawanooyinka oo ay fasaxaan dhammaan hay’adaha gar-gaarka bani’aadanimo inay ka howlgalaan goobaha ay joogaan. Gar-gaarka bani’aadanimo ma galo siyaasad, ee waa muqadas in shacabka soomaaliyeed ee tabaaleysan la gar-gaaro.

DHAMAAD

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia





Related Items


Leave a comment