Qadaafi Oo Fariin Diray & Mucaaradka Oo Ku Dhoow!

Sunday August 21, 2011 - 01:54:33
0 Comments
6962
Super Admin
Qadaafi Oo Dar-daarmay:- Madaxweynaha Dalka Liibiya Muammar Gaddafi ayaa Fariin deg deg ah u diray Dalalka Carabta xilli Xoogaga Mucaaradku ay Guulo ka gaareen Dagaaladdii dhacayay oo haatan Kaabiga ku hayaan Magaaladda Tripoli ee Caasimadda Dalkaasi.
Muammar Gaddafi ayaa Fariin Dar-daaran u eg u diray Dalalka Egypt,Morocco,Tunisia,Algeria iyo kuwo kale si ay Magan-gelyo u siiyaan qaar ka mid ah Qoys-kiisa.

Madaxweyne Muammar Gaddafi ayaa sheegay in Xoogaga Mucaaradku ay haatan gacanta ku dhigeen Magaaladda Zawiya,ayna Maqcuul tahay innay Saacadaha soo socda soo gaaraan Caasimadda Dalkaasi ee Tripoli.

Wakaaladda Wararka ee Associated Press ayaa goor dhaweyd ku Warantay in Xoogaga Mucaaradku ay si buuxda gacanta ugu dhigeen Magaaladda Zawiya oo Asbuucyo badani Dagaalo Xoogani ka socdeen.

NBC ayaa ku Warantay Khamiis-tii in Muammar Gaddafi iyo Qoys-kiisu ay Qorshaynayaan Maalmaha soo socda innay isaga baxaan Dalka Liibiya.

Warar-kale oo aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Muammar Gaddafi iyo Qoys-kiisa Saacadaha soo socda lafilayo innay aadaan Dalka Tunisia.

Mucaaradka Liibiya:-
Afhayeen u hadlay Xoogaga Mucaaradka ayaa sheegay innay haatan gacanta ku dhigeen Magaalooyin u dhoow Magaaladda Tripoli ayna Maalmaha soo socda,wajahayaan Magaaladda Tripoli.

Xoogaga Mucaaradka ayaa sheegay innay gacanta ku dhigeen gabi ahaanba Magaaladda Zliten oo Galbeed kaga beegan Tripoli halkaasoo Maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen Dagaalo Xoogan oo u dhexeeyay Dagaalyahanadooda iyo Ciidamadda Daacadda u ah Qadaafi.

Dowladda Liibiya:-
Taleefishinka Dalka Liibiya ayaa baahiyay in Dagaalkii Shalay ka dhacay Zliten ay ku Nafwaayeen 32-Dagaalyahan,halka 150-kalana Dhaawacyo ay soo gaareen.

Afhayeen u Hadlay Mucaaradka Benghazi oo lagu Magacaabo Ahmed Omar Bani ayaa 7-ddii Bishan August sheegay in Zlitan aysan ku laaban doonin Gacanta Ciidamadda Qadaafi.

Colonel Ahmed Omar Bani waxaa uu sheegay in Mucaaradku ay gacanta ku dhigeen Magaaladda Sabratha oo Galbeedka 80-KM kaga beegan Caasimadda Dalkaasi ee Tripoli.

Xoogaga Mucaaradka ayaa dhawaan dhinaca kale shaaciyay innay si buuxda gacanta ugu dhigeen Magaaladda Bariga dhacda ee Brega taasoo dhowr jeer ku noq noqotay gacanta dhinacyadda Dagaalamaya.

Warar Kale:-
Wakaaladda Wararka ee An Associated Press ayaa goor dhaweyd ku Warantay in Xoogaga Mucaaradku ay si buuxda Maanta oo Sabtiya gacanta ugu dhigeen Zawiya oo Asbuucyo badani Dagaalo Xoogani ka socdeen.

Tan ayaa u ah Mucaaradka Liibiya oo doonaya innay Sanka ka soo taabtaan Madaxweyne Qadaafi,waxaana ay haatan Caasimadda Tripoli u jiraan 50-KM iyo 30-Mile.


Related Items


Leave a comment