Puntland Oo Ciidamo U Dirtay Magaaladda Gaalkacyo

Sunday August 28, 2011 - 12:40:10
0 Comments
880
Super Admin
Maamulka Puntland ayaa Ciidamo aad u baddan iyo Gaadiid Dagaal u diray Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug oo Amaankeeda aad looga dayrinayo

Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo baddan oo aad u Hubaysan ayaa Shalay gaaray Magaaladda Gaalkacyo Sidda ay innoo xaqiijiyeen Dad goob joogayaal ahi.

Ciidamaddaan oo ka yimid Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa loogu talay galay innay sugaan Amaanka Magaaladda oo Maalmahaan faraha ka sii baxayay.

Maalmihii dambe ayaa Magaaladda waxaa ka dhacay Dilal iyo Weeraro si daba joog ahaa oo lagu hayay Saraakiisha,Aqoonyahanadda,Odayaasha,Mas'uuliyiinta iyo Bulshadda Gobalka.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa dhawaan Maamul Cusub u Magacaabay Gobalka Mudug.

Sikastaba ha ahaaatee Bulshadda ku nool Magaaladda Gaalkacyo ayaa soo dhaweeyay Ciidamada loo geeyay innay sugaan Amaankooda.

buurtinletimes@gmail.com



Related Items


Leave a comment