Marwada R/Wasaaraha Malaysia Oo $2Million Ugu Deeqday Abaaraha Soomaliya

Sunday August 28, 2011 - 13:50:09
0 Comments
944
Super Admin
Kuala Lumpur. Marwada u dhaxda ra'isal wasaaraha dalka Malaysia oo magaceeda la yiraahdo Rosmah Mansor ayaa bilowday dadaal ay ugu gar gaareyso dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ku habsatay iyadoo kaashaneyso wasaarada arrimaha qoyska waxayna sheegtay inay ku deeqday lacag dhan RM6mil Ringit Malaysian ah, taasoo u dhiganta $2mil oo Doolarka Mareeykanka ah.

Marwo Rosmah oo la hadleysay qeybaha saxaafadda ayaa sheegtay inay aad uga naxday xaaladda iyo nolosha adag ee la soo deristay umadda Soomaaliyeed, arrintaasoo ay sheegtay inay baryihii dambe kala socotay shaan shadaha gudaha iyo kuwa caalamka.

Marwada iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay sheegtay inay wado qorshe dheer ay ku doonayso sidii ay gacan bini'aadanimo uga geysan lahaayeen hawlahadan gurmadka abaaraha, haday ay ahaan laheyd dhinaca cuntada, dharka iyo caafimaadka.

Sidoo kale, marwo Rosmah waxa ay sheegtay inay sii wadi doonaan lacagaha ay ka uruurinayaan cid walba ama shirkad walba oo ku deeqaysa waxa ay awoodo, iyadoo dhanka kale sheegtay inay jiraan xiriiro ay la soo sameeyeen shirkadaha diyaaradaha oo diyaar u ah in wixii qaadis u baahan lagala soo xiriiro isla markaana ay ku tabarucayaan.

Dhinaca kale, waxaa Malaysia ka socda abaabul ay wadaan hay'ado Islaami ah sida hay'ad lagu magacaabo Mercy iyo Muslim Aid Malaysia kuwaasoo waayahanba shirar kula jiray dad Soomaaliyeed oo kala qeyb qaata hawlahan gar gaarka ay u fidinayaan. Iyagoo dhan kale ka codsaday inay u baahan yihiin dad u raaca Soomaaliya, isla markaana kala shaqeeyaa goobaha ay gar gaarka gaarsiinayaan, sida Muqdisho iyo Marka.

xafiiska burtinletimes Malaysia

buurtinletimes@gmail.com




Related Items


Leave a comment