R/Wasaare Dr.Gaas oo Salaadii Ciida la Tukaday Shacabka Burtinle

Wednesday August 31, 2011 - 00:03:25
1 Comments
1315
Super Admin
Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo saaka soo gaarey degmada burtinle ayaa si weyn waxaa loogu soo dhaweeyay duleedka degmada burtinle,waxaana uu degmada kula tukaday shacabka Salaada Ciidul fidriga ee maanta ku beegan.

Booqashada isbitaalka kadib Raysalwasaaraha iyo waftigiisu waxey latukadeen salaada ciida dadweyne badan oo ku tukanayey masjidka Abuubakar Sadiiq.

Kadib salaada waxaa waftiga lageeyay guriga nabada degmada Burtinle halkaas oo odayaal iyo waxgarad iyo aqoonyahano ay ku sugayeen isagoo laqaatey kulan gaaban.

Waxaa madashaas ka hadlay SuldaanMohamed Ahmed AbdulleBurtinle Suldaanka (Awrtable), iyo odayaal kale oo hadalo soo dhaweyn ah kadib reysal wasaaraha uga mahad celiyey booqashadiisa degmada burtinle waxeyna sheegeen iney sharaf u tahey imaatinka Rayysalwasaaraha iyo waftigiisa waxeyna uga warbixiyeen xaalada degmada Burtinle iyo baahiyaha kajira.

Raysalwasaare gaas oo hadalka qaatey ugu danbeyn ayaa ka mahad celiyey soo dhaweyntiisa isagoo yiri Burtinle maahan meel markii koowaad aan imaado ee waa deegaan aan wax badan imid, waxaana ku faraxsanahay maanta inaan idin kula ciido degmada Burtinle, waxuuna sheegay in baahiyaha jira uu kala hadli doona xakuumada

Waftiga Rayysalwasaaraha ayaa intaas kadib u amba baxey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaas oo laga sugaayo.

Mursal Maxamuud Osman
Catoosh170@hotmail.com

Related Items

Comments


Leave a comment