Dowladda Oo Cambaareysay Qoor Goynta Al-Shabaab

Friday September 02, 2011 - 01:28:21
0 Comments
584
Super Admin
WAR SAXAAFADEED

Dowlada KMG ee Soomaalia waxa ay cambaareynaysaa falalaka waxshinida ah ee isugu jira dhaca, dilka iyo xadgudubyada ay haraadigii kooxda Al-shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku jira maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee RAMADAAN isla markaana la il daran duruufaha abaareed ee ka jira wadanka.

Ka dib burburkii iyo baxsadkii maleeshiyaadka kooxdii Al-shabaab ee magaalada Muqdisho, kuna sugan qeybo ka tirsan deegaanada ku hareeraysan gobolka Banaadir ayaa waxay ay bilaabeen sida caadadooda aheyd dhibaateynta ay ku hayeen shacabka iyagoo sida si aan naxariis laheyn maalmaan dambe ku gowraceen shacab aan hubeysneyn oo u badan dhalinyaro.

Falalkan fulaynimada ah waxay muujinayaa xaalada ay ku suganyihiin kooxdan oo ah cabsi iyo walwal ay ka qabaan guulaha isdabajooga ah ee uu gaaray shacabka Soomaaliyeed ee uu horkacayay Ciidanka Qaran Soomaaliyeed si ay isaga xoreeyaan naxariis laawayaasha Al-shabaab.

Dowlada KMG Soomaaliyeed ku haysa xaaladaha jira oo dhan waxay balan qaadeysaa dhamerystirka howlgalada lagu sifaynayo kooxadan, kana dulqaado dhibaatadaas shacabkeeda.


DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta Boostada & Isgaarsiinta

Related Items


Leave a comment