Muqdisho; Maxkamada Ciidanka Xooga dalaka oo maantay amar soo saaray ;

Friday September 02, 2011 - 12:36:10
0 Comments
1188
Super Admin
Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa soo saartay awaamiir culus oo ku socota Ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwa difaacyada ku jira, iyadoo uga digtay in amar la'aan ay ka soo baxaan jiidaha dagaalka ee ay isku hor fadhiyaan dhinaca ka soo horjeeda.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa sheegay in Maxkamada Ciidamada qalabka sida ay maalmahan qeyb ka aheyd Howl galada ka socday Muqdisho, isagoo xusay in aan la arki karin askari si fasax la'aan uga soo baxay goobaha difaaca.

"Berri laga bilaabo, askari si amar la'aan ah difaaca uga soo baxa lama arki karo, waxaa u sheegeynaa askariga ku jira difaaca, ee qorigiisa cadawga ku jeeda hadii fasax la'aan uu ka soo baxo Maxkamada waa ciqaabeysaa, qodobka 304aad ee xeerka Ciidamada Ciidamada ayaana sugeysa, waana dil toogasho oo xabadka ah"ayuu yiri Mungaab.

Mr Mungaab ayaa sidoo kale sheegay in go'aanka ka soo baxay Madaxweynaha 13-kii bishii hore ee ahaa in xukun deg deg la geliyo goobha Al-Shabaab ka baxeen ay tahay mid dhaqan gashay, isagoo soo qaatay in dhowaan ay dhaqan gelin doonaan Buugi labaad ee xeerka ciqaabta.

Sidoo kale Mungaab ayaa sheegay in askari kasta ee difaaca ka soo baxa looga baahan yahay inuu soo qaato warqad fasax ah, isla markaana qorigiisa uu difaaca uga soo tago.

"Hadii ay dhacdo in askar la abaabul oo saraakiishooda ay difaaca ka soo saaraan amar la'aan askartaas waxaa lagu xukumayaa min 10-sano, cidii soo abaabushay ee saraakiisha waxay leeyihiin xukun dil ah"ayuu mar kale yiri.

Dhamaan amarada ayaa ah mid qeyb ka ah xakameynta Ciidamada Dowladda oo iyagoo is bar bar yaacaya ka soo baxa difaacyada, isla markaana iyagoo hubeysan soo gala suuqyada iyo xaafadaha, waxaana tani ay noqoneysaa mid Dowladda ay ku xoojineyso difaacyada iyo meelihii ay qabsatay, si aanay u dhicin in Ciidamada ka soo baxaan, sida marar hore dhacday oo kale.

Buurtinletimes@gmail.com



Related Items


Leave a comment