Irland; Baaq Nabadeed oo ka Soo Baxay Jaaliyada Puntland ee Wadan ka Irland;

Sunday September 04, 2011 - 18:59:10
0 Comments
1218
Super Admin
Anagoo ah jaaliyada reer puntland ee ku nool wadanka Ireland waxaa baaq nabadeed u diraynaa, Dagaalka ka socda magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug, waxaan ugu baaqaynaa dhamaan shacabka, cuqaasha culima awdiinka, ganacsatada, aqoonyahanka, haweenka dhalinyarada inay u istaagaan sidii loo joojin lahaa colaada kataagan magaalada galkacyo oo loo dhamayn lahaa dhibaatada kataagan maalmahaan magaalada.
waxaan ka codsanaynaa mar labaadin dagaalka lajoojiyo si shuruud la'aan ah uuna shaqeeyo caqliga wanaagsan.
iskuna howlaan xukuumada puntland iyo shacabka reer puntland arinta dhiiga badan ku daadanayo oo dhexmaraya ummada reer puntland oo mudada badan ku naloonaysay nabad ismaqal iyo dulqaad ay hormuud ka yihiin dadka reer puntland qaybihiisa kala dugan.


Run ahaantii waa wax laga murugoodo colaada ka taagan gobolka mudugoo soo noq noqotay baryahaan iyadoo aan guranray wixii ka dhashay 21 kii sano ee lasoo dhaafay colaadii ladagtay gayiga soomaaliyeed khibradna noogu filintahay intaas in maantay uu xaalku meshii iyo meel ka xun uu marayo dalkana ladageen abaaro, colaad aan joogsi lahayn iyo in kaloo badan oo masiibooyin ah.
waa inay u istaagaan shacabka dagan puntland oo ka dhiidhiyaan dhiiga qubanaya bilaa micnaha gaar ahaan magaalada galkacyo lana xakameeyaa colaadaas
waxaan ku caanamaalnay nabad ilaahay nasiiyey ee yeynaan iska burburin nibcadaas.
Waxaan idin ka codsanaynaa dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan in lasoo afjaraa dagaalka ka socda galkacyo

wabilaahitowfiiq

Jaaliyadda reerpuntland
BurhaanAbdirahmanAwsaed
caraafe12@hotmail.com

Related Items


Leave a comment