Muqdisho; Wada hadalkii wada tashiga oo maanta la soo gaba gabeynayo iyo War murtiyeed laga soo saarayo

Tuesday September 06, 2011 - 12:31:15
0 Comments
850
Super Admin
Shirka wada tashiga Arrimaha Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyay, kadib saddex maalmood oo horay loogu sii asteeyay in looga tashado arrimaha xilliga kala guurka iyo qorshe howleedka horyaala Dowladda, iyadoo shirkii shalay lagu magacaabay Afar gudi oo Ergada shirka ka qeyb galeysay laga dhex xulay.
Sida ay sheegayaan wararka shirka ayaa goor dhow ka furmay Xarunta Xalane ee Taliska Ciidamada AMISOM ku leeyihiin nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha, waxaana shirka maanta lagu wadaa inay ka soo baxaan war murtiyeed.

Wararka ayaa intaa ku daraya in shirka si rasmi ah loogu soo gaba gabeyn doono Xarunta Xalane oo marka la gaaro 12-ka duhurnimo loo wareegi doono halkaas, marka uu soo dhamaado dooda iyo diyaarinta ku aadan qodobada Gudiyada afarta ah ka doodeen.

Madaxda ugu sareysa Dowladda ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Munaasabada lagu soo xirayo shirka qeybtiisa hore maanta ku soo gaba gaboobi doono Magaalada Muqdisho.

Xubno ku dhow dhow Gudiga afarta ee la sameeyay ayaa sheegaya in Gudiyada oo ah kuwo isku dhaf ah oo dhamaan ay ka wada mid yihiin ergada ka qeyb qaadanaya ay soo saari doonaan qodobada iyo sida xal u noqon karo arrimaha ku xusan qorshe howleedka.

Arrinta muhiimka ah ee sida weyn looga dhursagayo ayaa ah dib u habeynta ama tiro yareynta lagu sameynayo Baarlamaanka, taasoo la dhihi karo waa caqabada ugu weyn ee u baahan ka gudbisteeda, kadib markii Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada ay soo jeediyeen in la yareeyo Tirada Baarlamaanka ee 550-ka Xildhibaan.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ataa furitaankii shirkan maalin ka hor ka sheegay in afarta qodob ay gundhig u yihiin in looga baxo xilliga KMG, kuwaasoo uu ka xusay Amniga, Dib U Heshiisiinta, Dowlad wanaaga iyo Dastuurka.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Agoustine Mahiga ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirtay waqti dheer oo KMG ah, waxaa khudbadiisa shalay oo aheyd mid dhinacyo badan taabaneysa ayaa sheegay in Caalamka uu indhaha ku soo eegayo Soomaaliya oo ah dal Istiraatiiji leh, isla markaana xeeb ballaaran leh.

Qeybta labaad ee shirka ayaa lagu wadaa in bisha October lagu qabto Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Goboleed, halkaasoo horay loogu sii qorsheeyay wajiga labaad ee dhameystirka shirka wada tashiga Arrimaha Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment