Degmada Burtinle oo kaam cusub looga furay dad soo bara kacay

Tuesday September 20, 2011 - 16:35:20
0 Comments
1059
Super Admin
Burtiinle ayaa waxaa soo gaaray dad farabadan oo saameen ku reebtay abaarta kajirta qaar kamid ah gobalada Soomaaliya waxaana arintaasi ka hadlay gudomiyaha dagmada Buurtinle waxaana uu faah faahin dheer ka bixiyay xaaladda guud ee dadkaasi iyo mida gaar ee degmada.
Gudoomiyaha dagamada Buurtinle Axmed Khaliif Faarax oo u waramay warbaahinta Gurmad ayaa waxa uu sheegay inay wanaagsan tahay xaalada dagmada Buurtiinle howsha maamulkana ay si fiican u socoto isagoona intaasi ku daray inay dagmad ku soo bateen dad ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya kuwaasi oo ay sameyeen abaaraha kajira gobalada dalka Soomaaliya qaarkood.

Gudoomiayaha dagmada Buurtinle ayaa dhinaca kale sheegay inay dadkaasi barakacayaasha ay u sameyn labo xero taasi oo ay uga dhiseen banaanka dagmada si aysan gudaha magaalada ugu dayacmin

Maamulka dagamada Buurtiinle waxa uu amaan ujeediye hay'ada World Vision oo uu sheegay inay biyo dhaamis iyo mucaawinooyin gaarsiisay dad barkacyaasha oo gaaray ilaa 2,000 (LABA KUN) qoys oo dhowrkii bilood ee igu dambeeyey ku soo biiray dagmada buurtinle

Dhanka kale maamulka dagmada ayaa waxa ay ugu baaqeen haydaha samafalka ka howlgalada deegaanada maamulka puntlan inay wax u qabtaan dadkaasi barakacayaasha oo ah dad aan wax haysan oo farmaran

Mustaf C/raxmaan Cabdi

Buurtinletimes@gmail.com

Xigasho Gurmad

Related Items


Leave a comment