Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Australia

Wednesday September 21, 2011 - 17:57:01
0 Comments
817
Super Admin
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Professor Abdiweli Mohamed Ali oo maalmahan ku sugnaa dalka Mareykanka oo uu halkaas uga qeybgalayey kulanka golaha ammaanka ee QM iyo kulanka guud ee QM ayaa waxuu la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Australia oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Australia.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal ee Australia iyo Somalia iyo sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin burcad-badeeda, argagaxisada, soo celinta amniga iyo kala danbeynta ee dalka Soomaaliya iyo arrimo kale oo fara badan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Australia Mr Kevin Rudd oo horey u ahaan jirey Ra’iisul Wasaaraha Australia ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali horumarka dhanka amniga, gaar ahaan guushii 6dii August ee Al-Shabaab looga saaray caasimadda iyo horumarka dhanka siyaasadda. Mr Kevin Rudd oo 6 usbuuc ka hor soo booqday xerooyinka qaxootiga ee Doolow oo uu indhihiisa ku soo arkay macluusha heysata shacabka Soomaaliyeed, waxuuna sheegay in Australia ay tahay dalka 3aad ee saacidaada ugu badan soo gaarsiiyey waddamada geeska Afrika oo uu sheegay inay bixiyeen 105 million oo dollar oo 60 million oo ka mid ah ay Somalia soo gaartay iyagoo soo marsiiyey hay’adaha WFP, UNHCR, ICRC iwm.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Australia ayaa sheegay in Australia ay dooneyso inay sii xoojiso xiriirka labada dal oo ay ku talo jirto in safaaradeeda ay keento Soomaliya iyo inay fulineyso mashaariic sida waxbarashada oo ay tixgelineyso sidii deeq waxbarasho loo siin lahaa ardayda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa u mahadceliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Australia waqtigiisa iyo sida ay u saacidaan shacabka barakacayaasha ah ee Soomaaliyeed. Waxuuna ka codsaday in Australia ay ka qeybqaadato dib-u-dhiska dalka oo uu sheegay in loo baahanyahay in hay’adihii dowladda ee fulin lahaa mashaariicda iyo adeegyada bulshada loo baahanyahay in la dhiso si loo gaaro horumar oo shacabka Soomaaliyeed loo abuuro nolol si looga fogaado falalka burcad-badeednimada iyo xagjirnimada oo dhalinyarada Soomaaliyeed loo helo mashaariic rajo geliso, si ay uga qeybqaataan dhismaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa beryahay arrimaha dibedda xoogga saarayey oo ujeedadiisu ay aheyd sidii loo sii xoojin lahaa nabadda iyo amniga ka bilowday Muqdisho loona gaarsiin lahaa dalka oo dhan. Waxaad moodaa inay jiraan dadaalo fara badan oo uu caalamku u dhaga nugulyahay baaqyada is-daba jooga ah ee uu Ra’iisul Wasaarahu u fidinayey caalamka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa aaminsan in loo baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo ay ku jiraan qurbojoogtu inay u istaagaan sidii waddanka dib-loogu dhisi lahaa oo uu aaminsanyahay haddii Soomaalida ay ka soo dhallaalaan kaalintooda in caalamkuna uu aad ugu soo gurmanayo.

buurtinletimes@gmail.com

Xigasho Radiomuqdisho.net

Related Items


Leave a comment