Sawiro';Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta booqasho ku tagey degmada Burtinle ee gobalka Nugaal–

Thursday September 22, 2011 - 01:30:19
1 Comments
1698
Super Admin
Wafdi Ka kooban Xildhibaano ka socda Baarlamaanka Dowlada Soomaaliya oo maalmihii ugu danbeeyey ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa maanta si diiiran loogu soo dhaweeeyey magaalada Burtinle, ayada oo dadkii soo dhaweeyey ka mid ahaayeen maamulka Degmada, Isimo, Ardayda, ururka aaya-katalis, oo ka dhisan degmada Burtinle iyo ururka hooyooyinka degamada ,iyada oo soo dhawayntaas oo noqotey mid aan loogu kala harin dadka degan magaalada Burtinle

Wafdiga xildhibaanada ayaaa waxaa ka mid ahaa
1 Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf
2:Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Ciro
3:Xildhibaan Cali ismaaciil Cabdi Giir
4:Xildhibaan Xasan Abshir Faarax
Iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.


Wafdigaan ayaa waxaa loogu hortagey meel ka baxsan magaalada Burtinle oolagu magacaabo Karin-Qansax, iyadoo loo galbiyay magaalada ,waxaa halkaas hadalo kooban ka jeediyey kuna hadley afka maamulka degmada Xoghayaha D/Hoose
Mudane Xaafid C/risaaq Calas .
Cabdulaahi Axmed Adan Budug oo ku hadley afka dhalinta aaya-katalis ayaa sheegey, in ay aad ugu faraxsanyhiin booqashada Xildhibaanada yimid degmada asaga oo sheegey in ay fiicnaan lahayd in ay ku nagaadaan dagmada Burtinle, kadibna waxaa halkaas hadalka ka qaatey Xildhibaan Cali ismaaciil Cabdi Giir asaga oo sheegey in ay ku dagdag sanyihiin Magaalada Gaalkacyo si ay u xoojiyaan.
Waddahadalka ka socda magalada Galkacyo isla markaasna ay ka raali galinayaan degmada oo isku xilqaantey soo dhawayntooda.



Si kastaba ha ahaatee Soodhawaynta ayaa waxay u dhacdey sidii loogu talo galey, markii danbana xildhibaanadu ay safarkoodii meeshii ka sii wadeen,waxayna u sii gudbeen dhanka magaalada Gaalkacyo oo gaarey galabta barqadii.


Xildhibaanadaan ayaa la filayaa inay kaalin wanaagsan ka ciyaari doonaan wada hadalka nabadeed ee ka socda magaaladaas maalmaha soo socdo, hadii Eebe idmo, waxaana halkaasi ku sugan odayaal dhaqameedyo waaweyn iyo culumaaudiin u istaagey inay damiyaan dirirka ka dhacey magaalada Gaalkacyo.




C/Laahi axmed budug
BuurtinleTimes@Gmail.com

Related Items

Comments


Leave a comment