Kooxda Qeylodhaan oo saartey hees cusub oo la yiraahdo ’’Qaracan’’

Thursday October 06, 2011 - 12:56:15
0 Comments
998
Super Admin
Kooxda wadaniga ee Qeylodhaan ayaa soo saartey hees cusub oo looga hadlaayo gumaadka arxanka daran ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan ardeyda Soomaaliyeed canaasiirta diinta ka been sheegaysa ee Al-Shabaab.

Heesta cusub waxaa la yiraahdaa Qaracan, waxaana curiyay abwaanka Cabdiraxmaan Hiloowle Galeyr oo ka mid ah abwaanada kooxda Qeylodhaan, waxaana codka saari doono oo gacanta ku haya fanaanka laga daba dhacey Cabdi Diini, islamarkaana waxaan qaadi doono fanaaniinta kooxda Qeylo dhaan maalmaha soo socdo hadii Eebe idmo, sida uu sheegay kabiirka kooxda Qeylodhaan Mudane Cabdi Shire Jaamac ‘’Ciyaar jecel.

Kooxda Qeylo dhaan waxay dadweynaha Soomaaliyeed ee jecel suugaantooda ku wargelinaysaa inay diyaar u yihiin soona dhaweynayaan cid kasto oo ka qayb qaadaneyso soo saarista heesaha wadaniga .

Erayadii heestan cusub ee la magac baxdey Qaracan waa sida hoos ku qoran:

Dhalaankii iyo ubadkii
dhabadii samaydiyo
dhaxalkiyo aqoontii
dhismaheeda dunidaa
inay soo dhamaystaan
Maanta laga dhursugayee
haddii laga dhantaaloo
dhiigoodii la shubayoo
dhaawaciyo dhimashadu
dhakhtarada ka buuxaan
dhib inooma hadhinoo
waa dhanqalan aduunyee
umadyahay dhamaantiin
miyaydaanba dhaadayn
Dhamaantiin dadkaygoow
Miyeeydaanba dhaadayn

Dhibaatada dhulkeeniyo
Dhagartiyo halgaadkaa
Dhalinyarada lagu dilo
Dhaawiciyo dhimashada
Dharaar waliba joogaa
Dhakafaarka nagu dhacay
Dhiiladan na haysaa
dhib inooma hadhinoo
waa dhanqalan aduunyee
Dhamidiin dadkaygoow
Miyeeydaanba dhaadayn

Dhurwaayada n cunayee
Dhiigeena jaqayeee
Dhuuxeena shubayee
Naga raray dhulkeenee
Noo diiday dheeftee
Dhudhumada na gooyee
Dhinac waliba naga xidhay
Nooga dhaartay nabadii
dhib inooma hadhinoo
waa dhanqalan aduunyee
Miyaaydaanba dhaadayn
Dhamidiin dadkaygoow
Miyeeydaanba dhaadayn

Nimankii u dhaartee
Loo dhiibay qarankaa
Dhabta wali fahmaynoo
Dhayal ay la tahayoo
Dhaliishana iska lehoo
Runta dhaadin waliyoo
intii aan dhamayn layn
Dhulka aan ka bixin layn
Dhinac aan ka mari layn
Sawtii la dhaafee
Warkoodii la dhigayee
Dhaantiyo ciyaariyo
Dhan kaleeto loo kacay.
waa Hal-abuurkii.

Heestaan oo cod iyo muqaalba leh waxaad ka daawan doontaa meel kasto hadii Eebe idmo

W/D:Yusuf Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

London

Related Items


Leave a comment