Ciidamada Police-ka Gobolka Mudug oo Hawlgalo Amaanka Lagu Sugaayo ka Wada Magaalada Galkacyo

Sunday October 09, 2011 - 15:13:44
0 Comments
838
Super Admin
Hawl-galo xalay laga sameeyay Gaalkacyo Ayaa Ciidamada Waxaa Ay ku soo Qabqabteen Dad looga Shakisan yahay in Lug ay ku leeyihiin Amaan darida ka jirta gaalkacyo,Hawl-galakaas ayaa La sheegay in uu Ku Dhaawacmay Hal Ruux oo isku Dayay in uu Baajiyo Hawl-galka Ciidanka ay ka sameeynayeen magaalada Gaalkacyo inteeda Badan ,Waxayna RasaasTa Ka haleeshay Ninkan Madaxa islamarkiina Dhaawaca Waxaa Qaaday Ciidanka Police Sida Ay u sheegeen Dad Goob joogayaal Ah oo Ay La Xiriirtay Warbaahinta Burtinletimes.com Si looga Dabiibo Ruuxaasi Dhaawacii soo Gaaray .

Amaan Dari Baahsan Ayaa Aad Looga Dareemayay Magaalada Gaalkacyo ,waxaana soo Badanaayay kooxaha Dhibaatada ka Geeysanaya Gudaha Magaalada Gaalkacyo,Marka Laga Hadlaayo Dhinaca Ganacsiga Gaalkacyo Ayaa Imika waxa Ay Tahay Halboowlaha Gobolada Dhexe Ee Wadanka Soomaaliya Waxaana Jirta In Xaafada Konfurta Xigta Ay ka Taliyaan Maamul Ka Madax Banaan Dowlada Puntland.

Amaan-Daridaan Ayaa Waxaa Lagu Macneeyay In Aytahay Kala Qaybsanaanta Ka jirta Magaalada Gaalkacyo , Taas ayaana sababtay In Waxa Laga Qabanwaayo Ayeey Sheegeen Dadka u Dhuun Daloola Arimaha Amaanka Gaalkacyo,Sidoo kale Dadka ka soo Jeeda Puntland Waxa Ay Aamin sanyihiin in kooxaha Amaan darida wadaa Ay ka soo Talaabaan Dhinaca Koonfurta Gaalkacyo Taasna Ay Sababtay In La Garanwaayo Cida Dhibaatada Ka Shaqeyneeysa Cida ay Tahay.

Laakiin Mas,uuliyiin U Hadashay Maamulka Galmudug Ayaa ku Andacoonaya In Xagooda Ay Xakameeyeen Dadkii Lagu Tuhunsanaa in ay ka Danbeeyaan Amaan darida Baahsan Ee Gaalkacyo Ka jirta Ayna wax ka Qabteen, Hadana Amaanka Dhankooda uu Yahaya Mid Laysku Haleeyn karo, Dadka Falalka Amaandarida Magaalada Kashaqeeyana ay Yihiin Kuwa Ku sugan Gudaha magaalada Gaar,ahaan Dhinaca puntland waa sida ay hadalka u dhegeene dhankaGal-mudug.

Axmed Khahar Max'ed Cumar

Burtinletimes.com

Galkacyo,

puntland, Somaalia

 


Related Items


Leave a comment