Malaysia;-Arday Soomaaliyeed Oo Ka Mid Noqotay Sideed Kun Arday Oo Ka Qalin Jebisay Jaamacad Ku Taala Dalka Malaysia…SAWIRRO

Tuesday October 11, 2011 - 03:19:55
0 Comments
1378
Super Admin
Kuala Lumpur. Xaflad ballaaran oo qeyb ka ahaayeen arday Soomaaliyeed oo ka qalin jebisay qeybaha kala duwan ee kulliyadaha sida IT, Ingineering, BA , Islamic Fianance & Banking iyo Human Resources & Management ayaa waxa ay ka dhacday mid ka mid ah jaamacadaha ugu faca weyn dalka Malaysia oo lagu magacaabo Utara University Malaysia(UUM).

Jaamacadan oo ku taala gobol la yiraahdo Kadax isla markaana kaabiga ku haysa xadka ay wadaagaan Malaysia iyo Thailand ayaa ardayda ka qalin jebisay tiradooda waxa ay gaarayeen 8,000 oo arday kuwaasoo isugu jira arday ajaaniib ah iyo kuwo u dhashay wadanka.

Haddaba, ardayda Soomaaliyeed ee nasiibka u yeelatay inay ka mid noqdaan ayaa gaarayay 49 arday. Iyadoo 11 ka mid ah ay hantiyeen shahaadada Master-ka halka inta soo hartayna ay qaateen shahaadada Degree-ga.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in 49-kan arday ay ka mid aheyd hal gabar oo kaliya taasoo la dareemi karo inay dhexda u xiratay sidii ay u gaari laheyd hadafkeeda waxbarasho.

Ugu dambeyntii, dhamaan ardayda qalin jebisay ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqatay farxad aad u ballaaran, waxaana dhinaca kale mahad naq iyo bogaadin la garab taagnaa asxaabtooda kala duwan ee kala qeyb gashay farxadda qalin jebintooda.

Dhinaca kale, Ardayda ku dhaqan Malaysia ayaa dareen isku mid ah ka muujiyay sida ay uga xun yihiin qaraxii 04-ta bishan Oct ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday arday Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan. Waxayna tacsi u dirayaan dhamaan ehelada ay ka bexeen ardaydaasi.

Dhinaca kale, Ardayda ku dhaqan Malaysia ayaa dareen isku mid ah ka muujiyay sida ay uga xun yihiin qaraxii 04-ta bishan Oct ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday arday Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan. Waxayna tacsi u dirayaan dhamaan ehelada ay ka bexeen ardaydaasi.

Wariye C/raxmaan Jaamac Afrax ” Helos “

Kuala Lumpur_Malaysia

X. Radio Muqdisho

Related Items


Leave a comment