Ehlu Sunada Gobolada Dhexe Ayaa Sheegtay In ay Wado Qorshayaal Kale oo CusubEhlu Sunada Gobolada Dhexe Ayaa Sheegtay In ay Wado Qorshayaal Kale oo Cusub

Monday October 17, 2011 - 12:11:24
0 Comments
480
Super Admin
Ehlu Sunada Gobolada Dhexe Ayaa Sheegtay In ay Wado Qorshayaal Kale oo Cusub

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa waxa uu sheegay inay Maamulo Ay u sameynayaan deegaanada ay ka taliyaan Xarakada Al Shabaab ee gobolka Galgaduud.

Madaxa Warfaafinta Ahlu Sunna Waljamaaca C/laahi Axmed Warsame ayaa waxa uu sheegay inay jiraan Qorshayaal dhamestiran oo ay Maamulo ugu sameyanayaan deegaanada ay ka taliyaan Al Shabaab ee gobolka Galgaduud oo ay ka mid yihiin Ceel buur iyo Ceel garas Iyo Deegaano kale taasi oo uu sheegay inay kala tashanayanaa dadka ku nool deegaanadaasi.

C/laahi Axmed Warsame ayaa waxa uu sheegay in hada waxa kaliya ee dhiman ay tahay ku dhawaaqista Maamulada loo sameynayo deegaanada Galgaduud Oo ay kaga sugan yihiin Al Shabaab iyo Madaxdii Maamuladaasi, isagoo ujeedada ka dambeysa samaynta Maamuladaasi ku mecneeyay fidinta nabad galyada iyo balaarinta Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe,Waa Sida uu Hadalka u Dhigaye.

Xarakada Al Shabaab iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay gacan ku haynta gobolka Galgaduud oo labada dhinac ay kala maamulaan, waxaase la ogayn sida ay ku hirgali karto in Maamulo hoostaga Ahlu Sunna laga sameeyo deegaano ay gacanta ku hayaan Mujaahidiinta Al Shabaab.

Xafiiska Burtinletimes.com

Muqdisho,somaaliya

Related Items


Leave a comment