Shirkada Isgaarsinta Golis oo xarun cusub furatay

Friday June 29, 2012 - 13:11:23
0 Comments
1319
Super Admin

Xaflad si weyn loo soo agaasimey oo isugu jirtay daah-furka dhisme cusub oo lagu biiriyey xarunta Golis iyo soo dhawaynta macaamiisha ayaa lagu qabtay magaalada Qardho.

Xafladaas ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka tirsan shirkadda Golis oo uu hogaaminayey Mudane C/casiis Guureeye Kaarshe oo ah gudoomiyaha gudiga sare ee shirkadda Golis iyo maareeyaha guud ee shirkadda Cali Xaaji Warsame.

Sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa xaflada madax ka socotey dowladda Puntland, kuwaasoo uu hormuud u ahaa wasiiru dowlaha sharciyada Jeneral Yuusuf Axmed kheyr.

Waxaa kale oo madasha ka soo qayb galay madax kale oo shirkadda Golis ka socotey sida: gudoomiye ku-xigeenka gudiga sare ee shirkadda Luqmaan Xaaji Maxamuud iyo maareeyihii hore ee shirkadda Golis Aadam sheekhdoon Cali iyo madax kale oo ay ka mid yihiin hogaammada shirkadda Golis Telecom Somalia.

Ugu horayntii ayaa xaflada waxaa ka hadlay Axmed Cawaale oo ah maamulaha shirkadda Golis ee Qardho, wuxuuna sheekeeyey heerarkii kala duwanaa ee uu dhismaha xarunta lagu daray soo maray, isagoo sheegay in dhismahani uu yahay mid ay shirkaddu in badan ku hawlanayd in ay dhisto si loogu adeego bulshada reer karkaar.

Kalmada maamulaha Qardho ka dib, ayaa xaflada waxaa ka hadlay Cali Xaaji Warsame maareeyaha guud ee shirkadda Golis,maareeyaha ayaa sheegay in shirkadda Golis had iyo jeer ay u taagan tahay raali gelinta macaamiisha.

Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha cusub ay shirkadu ka dhistay magaalada uu ka qayb qaadan doono kor-u-qaadida bilicda magaalada Qardho.

Waxaa sidoo kale xaflada ka hadlay Mudane/Cabdi Casiis Guureye Kaarshe gudoomiyaha gudiga sare ee shirkadda Golis. Guureeye ayaa sheegay in shirkaddu ay iska leeyihiin bulsho weynta Puntland.

Xaflada ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay madax ka tirsan shirkadda, dowladda, odayaal-dhaqameedka, iyo aqoonyahano ka soo qayb galay xaflada daahfurka guriga.

Ugu danbeyntii waxaa la qaybiyey hadiyado ayaa nasiib u heleen qaar ka tirsan ka soo qayb galayaasha xaflada,waxaana sidoo kale dhamaan ka soo qayb galayaasha Telefoonadooda loogu shubey lacag dhan 5 Dollar oo ku hadal ah.


Related Items


Leave a comment