Wasiirka duulista hawada ee Puntland oo Qado sharaf u sameeyey Xildhimaanad Sacdiya Carays (Daawo Sawiro )

Friday February 08, 2013 - 20:44:49
0 Comments
2257
Super Admin

Wasiirka duulista Hawada ee Dawlad Gobaleedka Puntland Mudane Abdiqani Geele ayaa magaalada garawe qado sharaf ugu sameeyey Xildhimaanada Jumhuuriyada Somalia Marwo Sacdiiya Carays Ciise Kaarshe. Wasiirka ayaa qadadaan u sameeyey Xildhimaanda oo fasax iyo kormeer u joogta deegaanada Puntland.

Wasiirka ayaa warbixin kooban kasiiyey xildhimaanad Sacdiya xaalada guud ee uu ku sugan yahay dalka, gaar ahaan dhanka waxbarashada, caafimaaka, amaanka iyo arimaha qoyska.Qada sharaftaana ayaa kasoo qayb galay sida aad kadheehan kartaan sawirada marti sharaf kala duwan.


Xildhimaanada ayaa dhawaan lagu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso halkaas oo ay kula kulantay wasiiro katirsan maamulka Puntland iyo qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee bulshada ayadoo ka dhagaysatay warbixino kala duwan.

Xildhimaanad sacdiya ayaa sheegatay mar ay lahadashay saxaafada inay booqan doonto deegaano ay kamid yihiin Xaarxaar iyo Burtinle ilaa ay ka gaarto magaalo madaxa gobalka Mudug ee Galkacyo.


Xildhimaanad sacdiya ayaa muujisay is xilqaamid aad ayey usoo dhaweeyeen dadkii u doortay inay u matasho Baarlamaanka Somalia maadaama safarkeedii koowaad ay ugu timid booqasho iyo indha-idhayn ku aadan xaalkooda guud; halka xildhimaanadii kale ee lala doortay aysan wali samayn isku dayo ay kusoo kormeerayaan xalaadaha ay ku sugan yihiin dadii doortay marka laga reebo inay u dhaxeeyaan Mogdisho iyo Nairobi. Booqashada Xildhimaanad Sacdiya ayaa timid kadib markii Baarlamaanka somalia helay Fasax labo bilood.



Source: Meeraysane Media Network

Related Items


Leave a comment