Shirka Wasiirada Puntland Oo Diirsada Lagu Saaray Qiimayna Horumarinta,Amniga & Dabagalka Mashaariicda

Thursday June 24, 2021 - 23:49:26
0 Comments
299
Garoowe

Shirkii Todobaad lahaa ee Golaha Wasiirada Puntland Ayaa Maanta Lagu Qabtay Magaalada Garoowe Ee Xarunta puntland Shirka Ayaa waxaa gudoominayay Madaxweyne Siciid C/laahi Dani sidoo kale waxaa joogay Madaxweyne Ku-xigeenka.

Bayaan kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in shirka Golaha Wasiirada looga hadlay Amniga, Dhismaha Marsada iyo Suuqa Boosaaso iyo warbixinta qorshaha horumarinta Puntland iyo Dabagalka mashaariicda.

Shirka Golaha Wasiirada Puntland Ayaa Ku Soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan,Iyadoo la filaayo in Qodobadaas ay noqdaan kuwo wax Ku ool ah.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment