Danjiraha Somaaliya Ee Dalka Sacuudiga Oo Aqoosigiisa Laga Gudoomay

Tuesday August 17, 2021 - 12:32:44
0 Comments
229
Riyaad

Danjiraha Cusub  ee dowladda Federaalka Soomaaliya dhawaan u magacaawaday Sacuudiga ayaa warqadaha aqonsiga danjirenimo u gudbiyay Wasaaradda Arimaha Dibadda dalkaas

Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay wasiir kuxigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal.

Munaasabadda gudbinta ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga ee Magaalada Riyaadh, waxaana goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga sida ay Xaqiijisay Warbaabinta Qaranka

Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Danjire Saalim Macow Xaaji iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal aya yeeshay kulan gaar ah waxaa ayna  uga wada hadleen sii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab

Related Items


Leave a comment