Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Ayaa kulan U Soo Xiray Guddiyo Farsamo Oo Ka Kala Socday DFS iyo Midowga Africa

Thursday September 23, 2021 - 20:35:06
0 Comments
304
Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Xasan Xuseen ayaa muqdisho ugu soo Xeray kulan Seddex Maalmood Socday oo u dhaxeeyey guddiyo Farsamo oo ka kala Socday DFS iyo Midowga Africa, kaasi oo looga arinsanayay Hanaanka loo wajahayo qorshaha kala guurka Ciidanka.

Xeritaanka kulanka ayaa waxaa goob-joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ,Saraakiil ka tirsan Taliska CXDS ,Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo Hoggaanka Midowga Africa ee Amisom Ee Soomaaliya.

Kulanka mudadii uu Socday Waxaa diiradda la Saaray Hanaanka loo marayo in Ciidanka Amisom ay ku wareejiyaan amniga Guud ee Dalka Ciidanka XDS.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS Avv.Xasan Xuseen Xaaji ayaa. Xusay in DFS dadaal Xooggan ay galisay Tababaridda ,Tayeynta iyo qalabeynta CXDS , Waxa kaloo uu Xusay in qorshan sida wadajirka ah gudiyadan ay u diyaariyeen ay ka shaqeyn doonaan fulintooda.

Qorshaha howleedka Sida wadajirka ay u diyaariyeen DFS iyo Amisom ayaa la hor-geen doonnaa Golaha Amniga Ee Qaramada Midoobe .

 Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment