Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane
Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay
wafdi uu hoggaaminayay wakiilka Soomaaliya ee hay’adda Qaxootiga adduunka ee
UNHCR, Magatte Guisse.
Kulanka ayaa inta uu socday looga hadlay wada-shaqaynta
iyo taageerrada shaqo abuur iyo farsamo ee qaxootiga dalka ku soo laabanaya iyo
kuwa ku barakacay gudaha dalka.
" Waxaan ku xoojinay kulankan sidii xasillooni dalka ay
ugu heli lahaayeen muwaadiniinta ku soo laabanaya iyo kuwa abaaraha ay
barakiciyeen, waa arrin naga go’an shaqo abuurka iyo helida xirfado ay ku
shaqayn karaan dadkaas, taa ayaanna hoosta ka wada xariiqnay wakiilka UNHCR.”
ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab.
Mudane Magatte Guisse, wakiilka UNHCR ee Soomaaliya ayaa
dhankiisa sheegay in kulanka uu bilow u noqonaya xoojinta xiriirka gaar ahaan
horumarinta fulinta qorshaha qaranka.
Kulanka waxaa goobjoog u ahaa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda
Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdi Axmed Qaasim, Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali,
Guddoomiye Hay’adda Qaxootiga Qaranka Marwo Aamino Siciid Cali iyo saraakiil ka
tirsan Wasaaradda iyo UNHCR.
Leave a comment