R/Wasaare Ku-xigeenka Dalka Daah-furay Munaasabad Dowladda Soomaaliya loogu wareejinayay Raashin Ay Bixsay Dowladda Sacuudiga.

Saturday March 05, 2022 - 15:07:35
0 Comments
333
MUQDISHO

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa daah-furay munaasabad Dowladda Soomaaliya loogu wareejinayay ku dhowaad 3-kun tan oo raashiin kala duwan ah, taas oo ay bixineyso Dowladda Sacuudiga.


Munaasibadda waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Mas’uuliyiin ka socday guddiga abaaraha iyo xubno ka tirsan Qaramada Midoobay.


Gar-gaarkan ayaa la filayaa inay ka faa’ideysanayaan dhawaad 300,000 oo qof oo ah dadka ay abaarahu saameeyeen, waxaa ka mahadceliyay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, wuxuuna ku bogaadiyay dowladda Sacuudiga kaalmada balaaran ee la garab tahay Soomaaliya


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment