Madaxweynihii Hore Koofur Galbeed Oo Ka Hadlay Safar Laga Joojiyay Uu Ugu Amba-bixi Lahaa Magaalada Baydhabo Ee xarunta G/baay

Sunday March 06, 2022 - 15:32:42
0 Comments
371
MUQDISHO

Madaxweynihii hore ee Koofur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ka hadlay is hor istaag saaka lagu sameeyay safar uu ugu amba-bixi lahaa magaalada baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.


Shariif Xasan oo Shir jiraa’id ku qabtay muqdisho ayaa sheegay shalay uu doonaay in uu Muqdisho ka bixitimo, balse laga hor istaagay, mar kale ayuu saaka isku dayay inuu safro balse waa loo diiday sida uu Maanta Warbaahinta u sheegay.


Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed ayaa intaa kud aray in Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdi Casiis Xasan Lafta-gareen uu mas’uul ka yahay is hor istaagga lagu sameeyay, kaasi oo uu ku sheegay in uu ahaa mid sharci darro ah.


Shariif Xasan ayaa sidoo kale lafta-gareen ku eedeyay in uu diyaariyay Ergooyin been abuur ah oo aan hayn kuwii dooran lahaa kursiga uu doonayay, waxaana uu sheegay in boob lagu hayo doorshada, maaddama sida uu sheegay beeshiisu ay isaga la doonayso Kursiga.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment