Ciidamada Ilaalada Puntland Oo Gacanta Kusoo Dhigay Doonyo Si Sharci Daro Ah Uga Kaluumaysanayay Xeebaha Puntland

Tuesday March 29, 2022 - 13:59:11
0 Comments
371
Xeebaha Xaafuun

Ciidamada bada dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Doonyo si sharci daro ah uga kaluumaysanayay xeebaha puntland oo laga-leeyahay dalal shisheeye.


Qoraal uu taliska Ciidanka PMPF ee Puntland soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay in iyaga oo kaashanaya Booliska degmada Xaafuun ee Gobolka Bari ay howlgal socday laba cisho kusoo qabteen Doonyo si sharci darro ah kaga kalluumeysanayay halkaasi.


Taliska ciidanka ma sheegin tirada Doonyaha la qabtay iyo halka laga leeyahay, balse Ciidanka PMPF ayaa dhowr jeer oo hore gacanta ku dhigay Maraakiib iyo Doonyo jiriif ah, kuwaas oo markii dambe ragga watay lagu maxkamadeeyay gudaha Puntland.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment