Qiso Cajiib Ah Oo Ku Saabsan Yeey La Hadlay Nin Reer Miyi Ah

Friday April 01, 2022 - 00:00:05
0 Comments
522
QISO CAJIIB AH

Nin reer Miyi ah ayaa waxaa Neef Ari ah kala Cararay dhurwaa markaas ayuu ka dhigtay neefkii, kadib waraabihii ayaa la hadlay oo ku yiri ina Aadamoow Irsaaqad alle isiiyay ayaad iga dhigatay.


Markaas ayuu Asxaabigii la yaabay dhurwaagii hadalkiisa, waraabihii ayaa ku yiri hala yaabin hadalka aan kugu la hadlay ee waxaa la yaabtaa Hadal samada ka yimid oo nabi Muxamed loo soo dhiibay dadkuna la yaaban yihiin oo ku sugan Magaalada Madiina ee aad.


Ninkii Reer miyiga ahaa ayaa Isku soo diyaariyay inuu u soo baxo dhinaca magaalada madiina, islamkaasna safar kadib waxaa uu yimid magaaladaas.


Isagoona la kulmay Nabi muxmed CSW waxuuna u sheegay in uu la hadlay waraabe uu Ariga Ka Ceshanaayay, Nabigeena ayaa isugu yeeray Asxaabtiisa sida Caadada ahayd Asalaatu Jaamica, Asalaatu Jaamica Midkasta oo Asxaabta kamid ah waxaa uu iska soo xaadariyay Masaajidka.


Intaas kadib Nabigeena CSW ayaa ku yiri Ninkii reer miyiga ahaa u sheeg Asxaabta Waxaad Aragtay markaas ayuu u sheegay mucjisada uu La kulmay .


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment