Musharax Deni Oo U Hambalyeeyay Gudoonka Aqalka Sare Ee Maanta La Doortay

Tuesday April 26, 2022 - 23:05:35
0 Comments
332
MUQDISHO
Musharax Madaxweyne Siciid C/laahi ayaa u hambalyeeynaya Guddoonka cusub ee loo doortay Aqalka Sare ee Soomaaliya, Guddoomiye Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markale noqday Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo labada Guddoomiye ku-xigeen ee cusub Sen. Cali Shacbaan Ibraahim iyo Sen. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade. 

Isagoo Sheegay in doorashada Guddoonka Aqalka sare tahay dhameystirka dhismaha Hay’addaha sharciyad haysta islamarkaasna bud-dhig u ah Dowladnimada dalka, waxuuna u rajeeyay Guddoonka Aqalka Sare in alle u fududeeyo masuuliyada iyo xilka loo doortay.

Musharax deni ayaa sidoo kale rajeeyay in Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka JFS iyo tan MadaxweynahaJFS  ay si wanaagsan inoogu qabsoomto.

Siciid C/laahi Deni oo ah iminka Musharax Madaxweyne ayaan weli ka tanaasulin Madatinimada uu ka hayay dowlad Goboleedka Puntland taas oo aan la ogayn Sida ay isku waafaqayaan.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment