Ciidanka Police-ka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Gaari Xalay Laga Dhacay Gaalkacyo.

Saturday November 18, 2023 - 14:32:52
0 Comments
100
ahmed raajaa
GALKACYO
Ciidanka Booliska Puntland gacanta ku soo dhigay gaari nooca loo yaqaan Probox-ta oo xalay laga dhacay magaalada Gaalkacyo.

Gaariga ayaa laga dhacay xaafadda Siinaay ee Gaalkacyo ,iyadoona ciidanka ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan bawuurka iyo shakhsigii dhacay waxaana laga soo qabtay xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo.

War ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu soo sheegay in saacad gudaheed lagu soo qabtay gaariga iyo ninkii dhacay oo ku hubaysnaa kartoon loo ekaysiiyay bistoolad oo bacmadow lagu duubay.

Sikastaba ha noqotee Ciiddanka Police ay gacanta kusoo dhigay gaariga iyo eedaysanihii watay iyo pastolad gacan ku samays ah oo uu wax ku furtayba.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment