Kalfadhigii 40-aad ee Wasiirada Dhismaha Iyo Guryeynta Oo lagu qabtay Tripoli

Thursday December 21, 2023 - 13:31:42
0 Comments
76
ahmed raajaa
MUQDISHO
Kalfadhigii 40-aad ee Gollaha Wasiirada Guryeynta iyo Dhismaha Carabta ayaa lagu qabtay caasimada Tripoli ee dalka liibiya.

Shirka ayaa looga dooday lana soo bandhigay Sidii Guryo qiimo Jaban loogu heli lahaa Shacabka dan yarta ah iyo shaqaalaha dowladda ee aan awwoodin inay kiraystaan ama iibsadaan guryaha qaaliga ah sii loo yareeyo dhibaatooyinka jira.

Howlaha Madasha Wasiirada Carabta ee Shanaad ee guriyeynta horumarinta magaalooyinka iyo Bandhig la socday ayaa lagu qabtay caasimadda Tripoli.

Iyadoo oo uu shirka ka qeyb galay kuna metelayay dowladda Soomaaliya Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dib-udhiska iyo guriyaynta xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxman Sheekh Bashiir iyo Wefdiga uu hogaaminaayay oo ka tirsan wasaradda hawlaha guud ee dalka.

Related Items


Leave a comment