Wasiirka Caddaalada Puntland Oo Ka Hadlay Arinta Xildhibaanada SSC khaatumo

Monday December 25, 2023 - 13:01:38
0 Comments
58
ahmed raajaa
GAROOWE
Wasiirka Caddaalada Puntland, Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo xalay jawaab ka bixiyay go’aankii SSC ayaa caddeeyay mowqifka dowladda ee bixitaanka Khaatumo iyo xulista xildhibaannada laga soo doorto degaannadaasi.

Isagoo hadalkiisa siiwata ayuu sheegay in dowladnimada tahay shirkad oo aan cidna dhihi karin waan baxnay horay ayeey u dhacday 2011 casayrland baa lagu dhawaaqay mana socon.

Wasiir Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay, in la tixgelinayo go’aanka dhaqanka SSC-khaatumo, haddana kala bixidda labada maamul loo mari doono hannaan waafaqsan sharciga iyo nidaamka, taasi oo aan hal maalin ku dhammaan karin.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in hannaanka kala bixista Puntland iyo SSC-khaatumo uu bilaaban doono doorashada kadib, balse hadda la soo xuli doono xildhibaannadii SSC, iyadoo loo marayo hab-raacii saxiixa isimada ama cuqaasha degaanka.


Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment