Guddiga Xallinta khilaafaadka Iyo Ansixinta Baarlamaanka Oo Galabta shaacin doona liiska Xildhibaanada cusub

Sunday December 31, 2023 - 14:40:06
0 Comments
64
ahmed raajaa
GAFOOWE
Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka Puntland, oo  uu maanta waajibaadkoodu ku eg yahay, ayaa lagu wadaa inay shaaciyaan liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Puntland.

Iyadoo uu fara gelin xooggan ku hayo madaxweyne Siciid Deni ayaa Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ugu danbayn isku raacay in ay galabta ku dhawaaqaan liiska 66-da Baarlamanka cusub.

Musharrixiinta Mucaaridka ah iyo inta badan isimada dhaqanka Puntland ayaa soo jeediyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan lana ixtiraamo go’aankii SSC khaatumo. 

Waxaa siweyn loo wada eegayaa Khilaafna uu ka taagan xubnaha 17-ka xildhibaan ee uu madaxweyne Deni suuqa ka  qortay taas oo aan haysan saxiixa isimada iyo cuqaasha SSC-khaatumo.

Meeraysane.com




Related Items


Leave a comment