Taxane: Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 15-aad ee ugu danbaysay Buuga

Wednesday February 03, 2010 - 10:12:40
0 Comments
2820
Super Admin
Waa qaybtii 15aad oo ah qaybtii ugu danbaysay oo aan idinkaga soo gudbinayno Buuga Ahmed iyo Nasiib oo aad nooga barateen Maalin kasta oo Talaado ah. Hadaba Hawaase wacan.


Axmed ayaa yiri “Maama hurdo ima heyso oo waa hore Ayaan ilaaway”, kadibna Maama Cadar ayaa tiri “marka hore hadalkeyga fahan hadii aad sidaan ku sii socotid wad waalaneysaa ee cabaar naso” Axmed ayaa ku yiri “igama soo dhaceyso hurdo”,  Maama Cadar ayaa ugu jawaabtay “waayahaye, hadaad ku madax adeegtay iska qayil anigana magaalada Ayaan ka soo laabanayaae hana iga tegin intaan ka soo laabanayo sheeko Ayaan kuu hayaaye”, Axmed ayaa yiri “waayahay Maamo” kadibna way ka tagay oo Axmed ayaa kaligiis ku harayee.

 

Axmed markuu muddo qayilayay ayaa waxaa usoo laabatay maamo cadar Axmed ayaa ku yiri “Maamo maad ii sheegtid sheekada aad ii heyso waxa ay tahay “, Maama Cadar  ayaa tiri:  “Axmedow I dhageyso, waxaad tahay wiilkayga oo kale, mana doonayo inaan sii arko adigoo dhibkaan ku jira, waana ogahay in uu jaceylku dhab yahay oo uu ku hayo jaceyl , laakiin mid Ayaan rabaa inaan kuu sheego, manta intaadan imaan ka hor aniga oo jiifa sariirta ayaa waxaa agteyda ku sheekeystay Nasiib iyo Bahjo waxayna ii maleynayeen inaan hurdo.

 

Waxaa jira wiil la yiraahdo Balaakii oo hadda ka hor jeclaaday Nasiib oo markuu u sheegtayna ay ku gacan seyrtay oo hadda jooga Mareekanka,  wuxuuna la soo hadlay maalmihii ay aaday  eeldooreet ka hor, uuna usoo diray 200$ (laba boqol oo doller ) ayadana ay la qabatay jaceylkii ay hadda ka hor ku gacan seyrtay sababtoo ah hadda wuxuu joogaa Amerika ayadoo ka faa’ideysaneysa jaaniskaas ayay wax walba la qabatay laguuna ilaaway adiga iyo jacaylkii aad wadatay. Sidaas darted ayay kuu nacday waayo adigu waxaad joogtaa Nayroobi iyo afrika, waxna ma heysatid oo waxaad tahay dhalinyaro aan shaqeysan.

 

Axmed wuu naxay wuuna u qaadan waayay, wuxuuna ogaaday halka ay surta ka quruntay iyo sababta asaga iyo Nasiib kala geysay oo uu dhibaatada u maray in ay tahay inay ka door biday Balaakii oo kiishadda u buuxdo.

 

Axmed oo marna kacaya marna fariisanaya oo labada dhinacba midna u rooneyn ayaa waxaa yimid Bahjo iyo Nasiib oo wada socda markuu arkay ayuu Axmed yiri “Maama, waan sii soconayaa oo waxaan aadayaa gurigii”, Bahjo ayaa tiri waan ku sii dhaweynayaa, kadibna markii ay soo baxeyn ayaa Axmed ku yiri Bahjo,

 

“Ma waxaan ku mooday mise waxaad noqotay mise waxaan loo noqon doonin, waxaan ku mooday gabar walashey ah oo garabkeyga taagan, waxaadse noqotay laba wajiile hunguri igu badalatay, waxaanse loo noqon doonin inaan walashey kaa dhigto, mar kale”, Bahjo ayaa ku tiri “Maxaa dhacay oo aan kaa bi’iyay,” wuxuuna u sheegay siday yeeshay Nasiib ayaduna ay la ogeyd oo ay isaga dhigi jirtay qof garabkiisa taagan, daacadna u ah asaga balse inay wax walba ayadu ogeyd ayse ka qarisay.

 

Bahjo ayaa isku dayday in ay inkirto, balse Axmed wuu ka qaadan waayay  runta  ayuu indhaha ka saaray kadibna wuu ka tagay asagoo  Xanaaqsan waxuuna aaday  gurigoodi.

 

Islal hadal dheer oo u dhaxeeya isaga iyo nafsadiisa wuxuu wacay Nasiib,  markay taleefanka ka qabatayna waxuu tiriyay tixdaan:

 

  • Indhaweyd waataanan oran, aaladii gabaye
  • irdihiisa waataan xiroo, oodofow rogaye
  • Aan awaalo xaajaba marbay, kugu adkaataaye
  • Axdi maleh naagaha ninkii, aaminhayoowe
  • Arrinkaad la dhigatiyo shirciga, awfinmahayaane.
  • Inkastoo abaal loo galoo, la ixtiraamahayo.
  • Ama aamin iyo wanaag oogada u saadhid.
  • Goortay idood kaa helaan bey, uubo kuu qaadine..
  • Arro weelo amarkey fadhey, uurka ku hayaane.
  • Aqli malahan kala qeybsamiyo, aragti sii dheere.
  • Ummi kama duwana iyo caruur, loo arrimiyaaye.
  • Ragse waxay aduunyada badeen, lama ilaawaane.
  • Anna waxaa arwaayada I jaray, arramidoodiiye.
  • Ifka dunida taan u jeclaa, kana ilaaleystay.
  • Afrikada galbeed naga jirtiyo, ilaha nayroobi
  • Iglan iyo taniyo eeshiyo midaan, melwalba u aaday
  • Oo aan asqada ugu bakhtiyay, aaya laga waaye
  • Waataas ibleyskiyo jinnigu, iga afduubeene
  • Anfaaciga waataas raacdayoy, run inqaalaabeene
  • Waataas inkirtay caashqa iyo, ubixii beeraaye.
  • Ka ufooda naaguhu ragow, malahan iimaane.

Intaa kadib, Axmed telephonekii ayuu isa saaray ayado weli khadka ku jidha, markuu cabaar joogay uuna fekerayay ayuu go’aan wuxuu ku gaaray in uu iska hilmaamo Nasiib kana calool goosto jaceylkeeda nabarrada u geystay.

 

Axmed sidaas ayuu yeelay, wixii ka dambeeyayna Nasiib ma uusan la kulmi jirin, ma wici jirin, meel ay joogtana cag ma uusan saari jirin.

 

Axmed markuu muddo uu joogay Nayroobi, xoogaana ka soo fiyoobaaday Nabarradii Nasiib ayuu waxa uu aaday Dalka Somaliya iyo reerkiisii ilaa iyo haddana meesha ayuu joogaa.

 

Dhanka kale Nasiib iyo balaakii arrintoodii ma aysan sii socon in muddo ah waayo Balaakii awalba waxay ka aheyd gabadhii waagii kugu daadisay adna mar jayga ka dhig oo ka arso, sidaas ayay ayana ku kala ahareen.

 

 

DHAMAAD

Related Items


Leave a comment