Ahmed Karaash oo shir-gudoomiyey kulan ku saabsan biyaha kusoo fatahay Gaalkacyo

Thursday November 16, 2023 - 13:25:47
0 Comments
539
ahmed raajaa
GAROOWE
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo ay ka qeybgaleen  Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah kaasi oo ku saabsan xaaladda Biyaha kusoo fatahay Degmada Gaalkacyo iyo Sidii wax looga qaban lahaa saameynta ka dhalatay .

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta Gaalkacyo ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka, Iyadoo Kulanka ay sidoo  kale ka qeybgaleen Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Shirka waxaa looga hadlay:

1. In magalaada biyaha laga saaro.
2. Sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa.
3. Sidii loogu gar- gaari laha  dadka waxyeeladu kasoo gaartay.
4. Iyo Qorshaha wakhtiga dheer ee xalka biyaha magalaada.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa muujiyey sida dhow ee Dowladdu ula socoto xaaladda Roobabka, gaar ahaan daadka kusoo rogmaday Gaalkacyo, iyadoo hore Dowladdu Guddi Wasiiro ah u dirtay Gaalkacyo, hadana waxaa la qorsheynaya sidii magaalada looga saari lahaa xaaladda fatahaad ee ka jirta. 

Meeraysane.com








Related Items


Leave a comment