Labadii Kursi Ee U Danbaysay Aqalka Sare Oo lagu Guulaystay

Thursday July 29, 2021 - 16:07:17
0 Comments
296
kismaayo jubbaland

Labadii Kursi ee harsanaa ayaa waxaa ku kala guulaysay Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan oo ahaa musharraxa kusoo baxay kursiga saddexaad ee golaha Aqalka Sare ee la qabtay maanta Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa helay codad gaarya ilaa 59-cod, isagoona ka guuleystay Marwo Xaliimo Jaamac Maxamed oo heshay codad gaaraya ilaa 12 cod 1- ayaa xumaaday.

Kursiga 4-aad ee Aqalka Sare ee Barlamaanka federalka isna waxaa ku guuleystay Iftiin Xasan Iimaan Baasto, oo loogu codeeyey hab gacan taag ah, ka gadaal markuu isaga tanaasulay Ibraahim Yacquub oo la tartamayey.

Sidaasi ayaa waxaa ku soo idlaaday doorashadii afarta kursi ee Aqalka sare barlamaanka federalka oo maanta lagu qabtay xarunta jubbaland ee magaalada kismaayo.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment