Caajiska Culimmadda iyo Aamusnaanta Aqoonyahanka-

Friday September 24, 2010 - 19:50:27
0 Comments
3704
Super Admin
Filoosoferkii Girgiiha ahaa Plato ayaa wuxuu yiri: kuwa aadka u masxada (khibrada, aqoonta iyo kartida) badan ee aan doonayn (ka gaabsanaya , baqaya) inay saaxada sisaasadeed faraha la galaan waxaa lagu ciqaabaa inay hogaanka u qabtaan kuwo qafilan oo aan (caqli, xigmad, aqoon iyo karti) midna lahayd.

“Those who are too smart to engage in politics are punished by being governed by those who are dumber.” ~Plato

Ayaan darada maanta Soomali haysata waa mid salka ku haysa xigmada kor ku xusan, taas oo aan uga gonleeyahay in kadib markii dadkii ay ahayd inay hogaanka ummadda masiirkeeda u qabtaan ehelkana u ahaa, kuwaas oo karti, aqooneed, hufnaan, xigmad iyo xirfad siyaasadeed intaba lahaa ay ka gaabsadeed inay isu soo taagaan qabashada hogaanka, iyo badbaadinta dalka iyo dadka. Kadib markii Aqoonyahankii howlgab noqday Culamadiina Caajistay ayaa waxaa masiirkii ummadda majaraha u qabtay kuwo aan istaahilin, kuwaas oo haba yaaraatee aan lahayn sifooyinkii hogaamiye sida: aqoon tacliimeed, karti xilkasnimo, xeelad siyaasadeen, hufnaan cadaaladeen iyo ku baraarugsanaanta waaqaca iyo odoroska mustaqbalkaba.

Raggii madaxdu ka xumaato waa, marin habaabaaye
Kuwii maqaddimada looga dhigay, waa manfaca-raace
Mar maxaad cuntaan keliya yuu yahay, maqsuudkoode
Nin mushaharo eexeynayaa waa, miskiin dhabahe
Muddiic waxa ka dhigay wa inuu, maarmi-waa yahaye
Muddaafacana seeg iyo inuu, maya yiraahdaaye
(Guubaabo Qaran, 1952— by: Cismaan Y. Keenadiid)

Hadaad dib u eegto dhamaan shirar ku sheegii nabadeed iyo dib u heshiisiineed waxaad arkaysaa in dadka ka soo qaybgalayay oo hogaanka iyo masiirka ummada fara moroojistay ay badankoodu ahaayeen sadex kooxood oo kala ah:

· Dagaal-oogayaal faraha dhiig ku wada leh.

· Gafanayaal Ganacsatato isugu yeertay oo wada xaaraan ku naaxyo ah (bililiqadii hantidii shacabka iyo tii qarankana sariftay)

· Iyo Qurbajoogta kuwii ugu liitay ee aan weligood maalin shaqo u kalihin meheradooduna ahayd barqo fadhiga maqaaxiyaha fadhi ku dirirka (Starbucks, iyo ishteeshinada tareenada.)

Hadaba waxaa isweydiin mudan halka ay ka dhaceen aqoonyahankii ay mudnayd in wax laga waydiiyo masiirka ummada, aaway culimadii balaaqaa lahayd ee dadka towjiihaadka siin lahayd, aaway cuqaashii garyaqaanka ahaa ee boogaha colaadeed dhayi lahaa, aaway dhalintii dareenka wadaniyadeed xambaarsanayd, aaway Dumarkii Soomaaliyeed ee lagu yiqiinay xamaasada qaranimo, aaway , aaway, away!!!!

Aqoonyahan: Nin ka mid ah caaqilada Soomaaliyeed ayaa waxaa laga sheegay inuu yiri: “hadii aad maqasho aqoonyahan waa meel nin rag ah lagu xaqirayo” sababta taas ka keentay ama odhaahdaas ku kaliftay odaygaasna waxay ahayd, in maanta aqoonyahankii Soomaaliyeed ay shaadhkiisii gashteen , calankana u sidaan kuwo aan laaqi u ahayn mansabkaas isaga ah, kuwo xoogaa soo loox jiitay oo sumado ayka mid yihiin: Dr. Eng. iyo Prof. wada wata, laakiin aan xigmad sidaa u buuran xambaarsanayn, haday hadlaana aad oranaysid Alow yaa naga aamusiya. Kuwaas oo aan fahamsanayn diyaarna u ahayn inay fahmaan xaalada dalka iyo dadka ku sugan yahay, intaasba waxaa ka sii daran isla weynida iyo isqaadqaadka beentaa.

Sideedaba, garaadku waa wax loo dhasho iyo haybad Eebe siiyo qofkuu doono, laakiin cilmiguna waa aqoonta la looxjiito, sidaa awgeed qofka garaad fiican Eebe u hibeeyay, cilmi iyo looxjiidashona ku darsaday waxay taasi ku xambaartaa una kordhisaa dulqaad, karti , iyo inuusan isqaadqaad iyo islaweyni la iman. Nasiib-darose kuwa maanta calanka u wada Aqoonyahanka Soomaaliyeed waa kuwo aan kulan san Garaad iyo Aqoon, balse sumad qolofa aan oo aan waxba ka hoosayn la haad-haadaya.

· Aqoonyarana Soomaali bay iil ka dhaadhicine

· Arrinxumo ninkeedii intuu eedayaa badane

· Asbaab ay dhigeen buu ku yimid amarka haystaaye!!!! (Cismaan Y. Keenadiid)

Aqoonyahankii garaarka iyo aqoonta lahaa waxay noqdeen kuwo ka xishooda foolxumada maanta socoto, iyagoo doorbiday inay magacooda iyo sharaftooda ka dhowrsadaan dhiiqada iyo nijaasada maanta saaxada siyaasadeed iyo bulsho ee Soomaaliya taala.

Waana taas ayaan oran karnaa waa mida kaliftay in dad aan laaqi u ahayd hogaankii dalkii iyo dadkiiba horboodayaan.

Culimmo: Culimadii fuqahada ahayd waxaa maanta horboodaya kitaab-gaab aan arbaciinka dhamayn, culimadii Nabigu Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaatee uu ku sheegay kuwa dhaxlaya Ambiyada ayaa maanta waxaa hadba dhinac u yaacsanaya oo aflagaadayna wiilasha Al-Shabaab la baxay ee aan weli baaluqin cilmi iyo caqli ay kororsadaan iskans daaye, kuwaas oo marjacii aqooneed ee culimadu lahaydna aan tixgelin. Balse waxaad arkaysaa in taatikada iyo xeelada ay Al-Shabaab wataan inay tahay, dabargoynta iyo baqdin gelinta Culimada , aqoonyahanka, cuqaasha, iyo hogaamiyayaasha Bulshada si markaasi ay u soo haraan caamo iyo geeljire hadba ay dhinac u yaacsadaan, ahdaafta iyo ajendayaasha wada taxriifka (marin habaabinta) ah ee aan diinteena xaniifka ah sal iyo raad toona ku lahayn balse takfiiriga (gaalaysiinta) ah ay ummadda ku jaahwareershaan. Waana istaatiijiyaadaas mida kaliftay in Culimadii badankoodu afka xirato aashuun ku adinto , iyagoo naftooda u baqay , sharaftoodana badbaadsanaya. Ilayn hadii ay la doodaan Shanqole, Rooboow iyo Godane waxaa dhacaysa in la yiraado war Culimada kala cesho, taasina waxay meel ka dhac ku noqonaysaa cirdiga iyo sharafta Culimada Soomaaliyeed.

Cismaan Yuusuf Keenadiid oo ahaa Caalim wadani ah Ilaahayna xigmad iyo odoros xeel-dheer u hibeeyay ayaa isagoo aad moodid inuu ka hadlayo waxa maanta Soomaali haysta iyo ixtiraam la’aanta doorka culimada iyo seefla boodnimada dhaliynta da’da yar ee aan fahamdiineed lahayn kuwaas oo sal fudayd awgiis jaahwareeriyay shacabka iyagoo u adeegaya fulinayana ajendayaal aan Soomali masiirkeeda dani ugu jiran, balse loogu adeegayo laguna badbaadinayo rag ajaanib ah oo fara kuturis ah kuwaas oo afarta baynajo soo gubay, doonayana inay gabaad ka dhigtaan dagaal joogto ah oo ka sii socda Soomaaliya

Cismaan Yuusuf Wuxuu yirii:

Culimadiina damac baa melgoo, mooyi say tahaye

Milladdiyo shareecada bar baa, maal ku iibsadaye
Marsiis iyo maddiidduu ku dhacay, magane diinkiiye
Masala-gaabka iyo ways hayaan, kii mufti ahaaye!
Ardadaa mujaadilo la geli, macallinkeediiye
Midkii dhawr masalo soo bartaan, maaro loo heline
Makastiyo intii caamahay, madax-wareersheene
Hadba xaal muraad lagu wataa, layna maqshiine
Waa waxaan Minhaajkiyo Tuxfaha, meelna kaga oolle!

Dhalintii, haweenkii iyo xubnihii kale ee bulshadu waxay noqdeen kuwo ku wareeray waxa socda, maciin iyo xeeladna aan haysan, iyagoo u kala baxay kuwo indho la’aan ku raacay indhoolayaasha Al-Shabaab ama Dagoolayaasha TFG. Meesha badankii bulshadu inteedii kalena ay har iyo habeen Ilaahay ka tuugayso inuu u soo diro hogaan ka saara silica, mideeya quluubta, kana qabta fidma walaasha Al-Shabaab iyo qowlaysatada TFG.

Hadaba waxaa isweydiin mudan meesha uu ka soo bixi doono halyaygaas ama hogaankaas isaga ah ee dalka iyo dadka badbaadin doona, tolow ma mid aan weli dhalan baa, mise waxay Soomali Sugaysaa Mahdi Samada laga soo tuuro.

Waxaa hubanti ah in aan xaalada Soomaliya ka soo rayn doonin hadii aan iyagu dhexdooda xaalka yaala wax ka bedelin, sida uu Eebeba sheegay ee uu yiri “Ilaahay umad xaalked ma bedelo ilaa iyagu isbedelaan mooyee” taas oo ay micnaheedu taha gargaarka Eebe shuruuda ka horaysa waxay tahay in umada qof-qof, beel-beel , raas-raas, degmo-degmo iyo gobol-gobol wax u islaaxiyaan, wanaaga iyo nabadana gunta laga soo gunto oo laga unko, (bottom-up approach), markaasi ayaa laga yaabaa in dalku ama ummaddu guud ahaan xasisho iyo xal waafi ah loo helo xaalka Soomaaliyeed ee lagu wareeray.

Waxaan qabaa in maanta arinku joogo “Alaysa Minkum rajulun Rashiid” Miyuusan idinku jirin caalim, aqoonyahan, siyaasi, hogaamiye rag ah oo guntiga dhiisha uga dhigan kara dabaqabashada hanbada Soomaali dalkeedii iyo dadkeedii ka hartay.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa odhaahdan xigmada xambaarsan:

There are three types of people in this world: those who make things happen, those who watch things happen and those who wonder what happened. We all have a choice. You can decide which type of person you want to be. I have always chosen to be in the first group. Mary Kay Ash

Micnaha Xigmada: Waxaa dadka aduunkaani u kala baxaa sadex: kuwo sameeya in isbadal dhaco, kuwo daawada waxa dhacaya, iyo kuwo la yaaban waxa dhacay. Sidaa awgeed kuligeen waxaan awoodnaa inaan doorano doorka aan cayaarayno. Waxaad dooran kartaa doorka qof ahaan aad cayaari karto. Anigu waxaan markasta doortaa inaan ka mid noqdo kuwa koowaad oo had iyo good qaybta ka ah keenista isbedel. Mary Kay Ash.

Farah Aw-Osman

awosman@gmail.com


Leave a comment